Qaramada midoobay oo Soomaaliya ugu baaqday inay xoojiso garsoorka xilli uu socdo shirkii dib u habaynta garsoorku
Jimco, April 05, 2013 (HOL) - Jimciyada quruumaha ka dhexaysa ayaa ugu baaqday Soomaaliya
in la adkeeyo soo celinta haybadii garsoorka, si loo soo afjaro tacadiyada aan
kala go’a lahayn ee loo gaysto haweenka .
Haweenayda u qaabilsan xoghayaha guud ee qaramada midoobay
dhanka tacadiyada galmada ee goobaha dagaallada, Zainab Hawa Bangura oo
shir jaraa’id ku qabatay Nairobi ayaa ka codsatay xukuumada Soomaaliya inay sidoo kale ilaaliso
dadka qaxootiga ah ee ku jira xeryaha ku yaal caasimadda Muqdisho.
“Waxay tahay muhiimadu in la helo garsoor ay shacabku
kalsooni ku qabi karaan, kaasoo ay ogyihiin inay cadaalad ku helayaan” ayay
tiri Zainab.
Haweenaydan oo dhawaan kasoo noqotay magaalada Muqdisho ayaa
rajo wanaagsan ka muujisay shirka Muqdisho ka furmay ee looga hadlayo dib u
habaynta garsoorka Soomaaliya.
Waxayna Muqdisho tagtay si ay xaqiiqo raadin ugu samayso,
warar ay soo saartay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, taasoo
sheegtay in tacadiyo culus oo uu kufsi iyo jirdil ay kamid yihiin in lagula
kaco haweenka Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Muqdisho, kuwaasoo
ay u gaystaan ciidamada dawlada.
Waxaana warbixintaas aan beenin oo soo dhaweeyay dawlada
Soomaaliya oo ciidamadeeda lagu eedayay inay si ula kac ah xadgudubyo ugu
gaystaan dadka maatada ah ee dalka gudihiisa ku barakacay.
Axmed C/samad,Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya