3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2013
Dowladda Jabuuti oo Gaadiidka Gaashaaman iyo kuwa Ciidamada Xamaara ugu deeqday Dowladda Soomaaliya (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 04, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta ka guddoomay dowladda Jabuuti gaadiid ay ugu deeqday ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo ciidamada xambaara.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha oo maalintii labaad ku sugan dalka Jabuuti ayaa ayaa guddoomay gaadiidka oo ay ku jiraan kuwo gaashaaman, kuwaasoo loogu talogalay in ciidamada xoogga dalka lagu xoojiyo.

Munaasabad ka dhacday xarunta ciidamada ee Sheekh Cismaan ayaa waxaa heshiis ku kala saxiixday wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi iyo wasiirka gaashaandhigga Jabuuti, Xasan Dharaar Hufane.

"Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dowaldda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba," ayuu yiri Faqi oo sheegay in gaadiidkan ay u adeegsan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Ra'iisul wasaare Saacid oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay taageerada Jabuuti, sidoo kalena tilmaamay in hubkan loo adeegsan doono si waafaqsan sharciga iyo nidaamka caalamiga ah.

"Gadiidkan guud ahaan waxaan u isticmaali doonaa sidii amniga dalkeenna aan ugu soo celin lahayn gacanta dowladda, waana bilow cusub, waana uga mahadcelineynaa dowladda Jabuuti," ayuu yiri ra'iisal wasaaraha, oo intaas ku daray: "Waxaan halkan ka cadeynayaa in hubkan aan u adeegsan doonno si mas'uuliyadi ku jirto."

Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaraha Somalia iyo wafdigiisa ayaa xafiiskiisa kula kulmay ra'iisul wasaaraha Jabuuti, iyagoo kaddib soo kormeeray dekedaha Jabuuti, waxayna u kuurgaleen qaabka ay u shaqeeyaan dekedaha; iyagoo warbixinno ka dhageystay maamulayaasha dekedahaas.

















Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/4/2013 12:44 PM EST
Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Soomaaliya u jooga Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

4/4/2013 9:43 AM EST
Khamiis, Abriil 04, 2013 (HOL) — Guddiyadii ay iska dhex-doorteen ergada ka qaybgalaysa Shirweynaha heer looga tashanayo dib u habeynta garsoorka dalka ayaa maanta si saraaxad leh looga dooday talooyin ay aragti ahaan u soo jeediyeen guddiyadii afarta ahaa ee loo xil-saaray inay kasoo talabixiyaan arrimo la xiriira qawaaniinta iyo qaab dhismeedka garsoorka Soomaaliya kuwaasoo muddadii labada maalmood ee lasoo dhaafay ay ka doodayeen.

4/4/2013 1:15 AM EST
Khamiis, Abriil 04, 2013 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay in cutub ka mid ah ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM ay kala baxayso koonfurta Soomaaliya mar halkaas la geeyo ciidamda ka socda dalka Sierra Leone.

4/4/2013 1:13 AM EST
Khamiis, Abriil 04, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii dowladda KMG ahayd ee Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay tahay inay taageerto shirka maamul u sameynta Jubbooyinka, maadaama shacabka ku nool gobolladaas ay go’aansadeen inay sameystaan maamul ay u dhan yihiin.

4/4/2013 1:11 AM EST
Khamiis, Abriil 04, 2013 (HOL) — Wakiilka Qaramada Midoobay ee ka hortagga galmada sharci-darrada ah, Saynab Hawa Bangura oo shalay booqasho ku timid Muqdisho ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ka caawinayaan sidii lagu baabi’in lahaa kufsiga haweenka.