3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2013
Dowladda Kenya oo sheegtay inay Qayb ka mid ah Ciidamadeeda AMISOM ka tirsan ay kala baxayso Soomaaliya


Khamiis, Abriil 04, 2013 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay in cutub ka mid ah ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM ay kala baxayso koonfurta Soomaaliya mar halkaas la geeyo ciidamda ka socda dalka Sierra Leone.

Afhayeenka milateriga dalka Kenya, Cyrus Oguna ayaa sheegay in ciidamada loogu talogalay inay ka howgalaan Koonfurta Soomaaliya ay gaarayaan 4664 askri dhammaantoodna ay Kenya geystay, balse ay la baxayaan haddii ay soo gaaraan dalka Ciidamada Sierra Leone.

“Heshiiskii is-afgaradka ahaa ayaa wuxuu dhigayay in Kenya ay ciidamada looga baahan yahay Koonfurta Soomaaliya geyso, markii ay ciidamada ka socda Sierra Leone yimaadaanna ay kala baxdo tiro le’eg ciidamada la keeno,” ayuu yiri Col. Oguna.

Ciidamada ka socda dalka Sierra Leone ayaa la sheegay inay ka howgeli doonaan Koonfurta Soomaaliya ayna ka barbar shaqeyn doonaan kuwa ka socda dalka Kenya oo gacanta ku haya magaalada Kismaayo.

Qaybtii ugu horreysay ciidamada Sierra Leone ayaa soo gaaray Muqdisho shalay sida ay sheegeen saraakiisha AMISOM, kuwaasoo la sheegay in marka lasoo dhameystiro si toos ah loogu qaadi doono Koonfurta Soomaaliya si ay halkaas uga howgalaan.

Dhanka kale, Col. Oguna oo wax laga weydiiyay maamul u sameynta Jubbooyinka oo la sheegay inay gacanta kula jirto dowladda Kenya ayaa taas iska fogeeyay, wuxuuna sheegay in howshaas ay waddo IGAD ayna meel wanaagsan marayso.

“Ciidamada Kenya wax lug ah kuma lahan howshaas, waxayna Soomaaliya u joogaan howlo milateri ee mid siyaasadeed uma joogaan,  balse waxaan kuu sheegayaa in howshaas ay wataan dadka deegaanka meel fiicanna ay u marayso,” ayuu yiri Col. Oguna.

Dalka Sierra Leone ayaa wuxuu noqonayaa dalkiii shanaad oo ciidamo qayb ka noqda AMISOM ku yabooha, iyadoo ay horay ugu yabooheen ciidammo dalalka, Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/4/2013 12:44 PM EST
Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Soomaaliya u jooga Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

4/4/2013 9:43 AM EST
Khamiis, Abriil 04, 2013 (HOL) — Guddiyadii ay iska dhex-doorteen ergada ka qaybgalaysa Shirweynaha heer looga tashanayo dib u habeynta garsoorka dalka ayaa maanta si saraaxad leh looga dooday talooyin ay aragti ahaan u soo jeediyeen guddiyadii afarta ahaa ee loo xil-saaray inay kasoo talabixiyaan arrimo la xiriira qawaaniinta iyo qaab dhismeedka garsoorka Soomaaliya kuwaasoo muddadii labada maalmood ee lasoo dhaafay ay ka doodayeen.

4/4/2013 9:08 AM EST
Khamiis, Abriil 04, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta ka guddoomay dowladda Jabuuti gaadiid ay ugu deeqday ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo ciidamada xambaara.

4/4/2013 1:13 AM EST
Khamiis, Abriil 04, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii dowladda KMG ahayd ee Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay tahay inay taageerto shirka maamul u sameynta Jubbooyinka, maadaama shacabka ku nool gobolladaas ay go’aansadeen inay sameystaan maamul ay u dhan yihiin.

4/4/2013 1:11 AM EST
Khamiis, Abriil 04, 2013 (HOL) — Wakiilka Qaramada Midoobay ee ka hortagga galmada sharci-darrada ah, Saynab Hawa Bangura oo shalay booqasho ku timid Muqdisho ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ka caawinayaan sidii lagu baabi’in lahaa kufsiga haweenka.