4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2013
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Somalia u Magacaabay Danjire cusub oo beddeli doona Augustine Mahiga


Isniin, Abriil 29, 2013 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa u magacaabay Soomaaliya danjire cusub oo bedeli doona Augustine Phillip Mahiga oo saddex sano wakiil uga ahaa xoghayaha guud arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca siyaasadda.

Danjiraha cusub oo u dhashay dalka Britain ayaa lagu magacaabaa Nicholas Key, waxaana xilkiisa uu la wareegi doonaa bisha Juun ee sannadkan oo xilka uu u ugu eg-yahay danjirihii hore Mahiga oo dadaal dheer u soo galay sidii Soomaaliya ay uga bixi xilligii KMG-nimada oo ay kusoo jirtay muddo sideed sano ah.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ki-Moon ayaa lagu amaamay shaqaadii uu qabtay danjire Mahiga muddadii saddexada sanahayd ee uu xilkan hayay, taasoo horseedday in Soomaaliya ka baxdo xilliga KMG ah ay yeelato dowlad rasmi ah muddo 22-sano ah kaddib.

Mr. Key ayaa haya xilka agaasimaha wasaaradda arrimaha dibadda Britain ee Afrika iyo xafiiska barwaaqo-sooranka, isagoo horay uga soo shaqeeyay dalalka Sudan iyo Congo oo uu kasoo noqday danjire iyo dalka Afgaanistaan oo uu kasoo noqday isku-duwe.

Danjiraha cusub ayaa wuxuu ah 55-jiir, wuxuuna leeyahay Xaas iyo saddex caruur ah oo kala ah, laba gabdhood iyo wiil, waxaana lagu wadaa in marka uu xilka la wareego uu howshiisa u soo wareejiyo magaalada Muqdisho

Augustine Mahiga oo u dhashay dalka Tanzania ayaa saddex sano ka hor loo magacabay xilkan, waxaana jagadan kaga horreeyay danjire Axmaduu Walad-Cabdalla oo ku guuleystay inuu isku keeno dowladdii KMG ahayd ee uu horkacayay C/llaahi Yuusuf iyo garabkii Maxkamada Islaamka ee uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ergaygan cusub ayaa waxay howshiisu kusoo aadaysaa iyadoo dowladda Soomaaliya ee joogtada ah ay doonayso in beesha caalamka ay ula shaqeyso sida ay doonayso, balse aan loola shaqeyn sida uu caalamku doonayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya