4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2013
Shirkii Garoowe uga Socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland oo Goor Dhow lasoo Gabgabeeyay

2013 (HOL) — Waxaa goor dhow soo gabagaboobey shir muddo saacado ah qaatay oo ay galabta magaalada Garoowe ku yeesheen wefdi uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud –oo shalay Garoowe soo gaarey- iyo mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Puntland.

Shirka oo ahaa mid ay warbaahintu dibadda ka joogtey, waxaa looga wada hadlay qodobbo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen:
  •     Dib-u-heshiisiinta iyo soo celinta midnimada
  •     Mideynta ciidamada si loo dhiso ciidamo qaran oo xooggan.
  •     In la iska kaashado xoojinta ammaanka iyo nabad gelyada.
  •     In la dedejiyo dhismaha maamul goboleedyada si Federaalka loo dhaqan geliyo.
  •     In la socodsiiyo heshiiskii ay Maarso 11, 2013 dowladda Fderaalku iyo Puntland ay Garoowe ku kala saxiixdeen.
Inta badan qodobadan kor ku xusay aya ahaa kuwo ay labada dhinac si wanaagsan isula meel dhigeen, haseyeeshee waxaa jira qodobo kale oo ay isku afgaran waayeen.

Waxaana kamid ah kuwa doodda xoogan dhaliyey, ajendaha ay Soomaaliya la tegeyso, shirka bisha soo socota London loogu qabanayo dhinacyada Soomaalida iyo qorshaha maamulka loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland oo kulanka kaddib si koban warbaahinta ula hadlay ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay kulankooda iskula soo qaadeen.

Madaxweyne Faroole oo hadalka ku horeeyey ayaa tilmaamay in inta badan qodobadii laga wada hadlay ay labada dhinac si fiican isugu afgarteen, haseyeeshee ay jiraan kuwo lagu kala ra’yi duwanaadey, balse lagu rajo weyn yahay in dib laga saxo.

Madaxweyne Xasan ayaa isna dhankiisa sheegay in jiraan arimo ay Puntland cabasho ka keentay oo uu kamid yahay wax-ka-bedel ay sheegtay in lagu sameeyey dastuurka, arintaasna waxa ka jira la isla arki doono.

Shirka kadib ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ka dhoofay wefdiga madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana garoonka ku sagootiyey mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya