4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2013
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya & Madaxweynaha Puntland oo Kulan xasaasi ah ku leh Magaalada Garoowe


Isniin, Abriil 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ay albaabbadu u xiran yihiin kula leh magaalada Garoowe madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxmed Faroole, iyadoo wadahadllada labada madaxweyne ay socdaa muddo saacado ah.

Wararka laga helayo xarunta Puntland ee Garoowe ayaa sheegaya in labada madaxweyne uu kulankoodu ka socdo madaxtooyada cusub ee Puntland oo dhinaca galbeed kaga taala magalaada, mana jiraan wax natiijooyin ah oo weli kasoo baxay.

Inkastoo qodobbada ay ramsi ah aan uga hadlayaan aan la ogeyn ayaa hadda waxaa la sheegayaa in labada dhinac ay isku afgarteen in la sameeyo guddiyo farsamo oo labada dhinac ka kooban kuwaasoo tuxaan-bixiya arrinta ay ka hadlayaan oo u muuqata inay isku afgaran waayeen.

Guddiyadan farsamo oo ka kooban wasiirro ayaa waxay iyagana kulan ku leeyihiin isla xarunnta madaxtooyada Puntland, kaasoo ay uga hadlayaan qodobbada laga hadlayo iyo sidii ay heshiis iskaashi oo wadajir ah u gaari lahaayeen Puntland iyo dowladda Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin sidii deeqaha dibadda loo wadaagi lahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa sheegay in qodobbada uu u tagay Puntland ay ka mid yihiin, watashiga shirka London, ammaanka, dib u habeynta dastuurka dalka, iyo sidii meel-marin habka federaalka oo laga doonayo dowladda hadda jirta inay meel mariso.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxay tageen Garoowe shalay iyagoo xalay ku sugnaa halkaas, waxaana maanta si caadi ah u socda howlaha kala duwan ee Garoowe, inkastoo shalay la adkeeyay ammaanka, balse maanta ma jirin ciidammo lagu arkayay waddooyinka.

Gellinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in labada madaxweyne ay soo saaraan war-murtiyeed ay ku sharraxayaan qodobbadii ay kawada hadleen iyo go’aannadii ay kasoo saaareen, iyadoo madaxweynaha Soomalaiya lagu wado inuu isla galabta dib ugu soo laabto Muqdisho.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya