4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2013
William Rutu oo dalbaday in dib loo dhigo Dacwada kaga socota Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyda Dagaal ICC


Sabti, Abriil 27, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Rutu ayaa ka dalbaday maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ICC inay dib u dhigto dacwaddiisa oo billaaban lahayd bisha soo socota illaa dhamaadka sannadkan.

Qareennada u doodaya Rutu ayaa sheegay in dib u dhigga dacwadda ay u fududeynayso inay diyaariyaan qorshayaal dhameystiran oo ay ku difaacayaan, balse lama oga in maxkamaddu ay aqbali doonto go’aankan.

Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa Rutu ayaa loo haystaa inay galeen dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada sannadkii 2007 markasoo lagu murmay doorashooyinkii madaxnimo ee dhacay; iyadoo Kenya ay xilligaas qarka u saarantay inay burburto.

Kenyatta iyo Rutu ayaa waxay horay u sheegeen inay la shaqeynayaan maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka, waxaase gudaha Kenya aan lala dhacsanayn dacwadda kaga socota maxkamadda caalamiga ah.

Dadwad-qaadaha maxkamadda ayaa waxay maxkamadda ICC ayaa ka cabatay in dowladdii hore ee Kenya aysan sidii la rabay ugala shaqeyn maxkamadda qaadista dacawadahan, waxaana taasi ay keentay inay ka laabato maxkamaddu dawacaddii ka dhanka ah ahay madaxii hore ee shaqaalaha dowladda Kenya; kaddib markii uu marqaati-furka ka laabtay mid ka mid ah markhaatiyadii ku marag-kacayay.

Sidoo kale, dacwad-oogaha ICC ayaa walaal ka muujisay hanjabaadaha lagu hayo dadkii markhaatiyaasha furi lahaa, iyadoo sheegtay in haddii aan la helin dad markhaatiyo fura ay dacwaduhu halkaas ku dhammaan doonaan.

Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa dhawaan sheegtay inay sii soconayso dacwadaha ka dhanka ah madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Rutu.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya