4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 26, 2013
Abuu-Mansuur Al-Amriki oo shaaciyay inuu ka Badbaaday isku-day dil oo lagu qaarijin lahaa, dhaawacna uu soo gaaray


Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Abuu-Mansuur Al-Amriiki oo loo yaqaanka Cumar Xamaami oo ka mid ah dagaalyahannada Ajnabiga ah eek a barbar dagaalama Al-shabaab ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu si dirqi ah uga baxsaday isku-day di loo lagu qaarijin lahaa.

Al-Amriiki ayaa sheegay inay soo weerareen xubno sarsare oo Al-shabaab ka tirsan uuna dhaawac ka gaaray qoorta, bale uu iska difaacay kooxihii weerarka ku soo qaaday, isagoo aan sheegin halka uu ku sugan yahay hadda.

“Weerarkan wuxuu dhacay gellinkii dambe ee Khamiista shalay, waxaana la i soo weeraray anigoo fadhiya biibito shaahaga laga cabo,” ayuu yiri bartiisa Tiwitter-ka, wuxuuna bartaas soo dhigay afar sawir oo uu ka mid ahaa sawir muujinaya qoortiisa oo dhiig leh iyo shaati uu watay oo buluug ah oo uu dhiig qariyay.

Hoggaamiyahan oo khilaaf xooggan uu kala dhexeeyay madaxda Al-shabaab labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa ku eedeeyay in weerarkan lagu doonayay in lagu qaarijiyo uu soo abaabuulay hoggaamiyaha guud ee Al-shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Subeyr.

Cumar Xamaami ayaa oo kasoo jeeda gobolka Alabama ee Mareykanka ayaa ku biiray Al-shabaab sannadkii 2006, isagoo ka qaybgalay dagalalo badan oo ay Al-shabaab la gashay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee caawinaya.

Al-shabaab ayaa bayaan ay sannadkii hore soo saartay waxay ku sheegtay in Xamaami uusan ka mid ahayn hoggaamiyeyaasheeda dagaalka, balse uu yahay dagaalyahan Ajnabi ah oo ka barbar dagaalama oo keliya, balse isagu wuxuu dhowr jeer ooh ore sheegay inuu khilaaf kala dhexeeya mas’uuliyiinta Al-shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa sannadkan horraantiisa dul-dhigay Xamaami iyo dagaalyahan kale oo Mareykanka oo la rumeysan yahay inuu Soomaaliya ku sugan yahay lacag malaayiin doollar ah, taasoo ay siinayso cid walba oo soo gudbisa xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay.

Sarkaalkan ayaa bartay luuqadda Soomaaliga oo aad u jajaban, waxaana ilmo u dhalay haween Soomaaliyeed oo uu guursaday, isagoo labadii sano ee ugu dambeysay ahaa nin iska ilaalinayay Al-shabaab oo uu sheegay inay dhowr jeer isku dayday inay shilqool ku dilaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya