4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 26, 2013
Dagaallo ka kala dhacay Deegaanno ka Tirsan Bay iyo Bakool iyo Khasaare ka soo gaaray Xarun ay lahayd Shirkadda Hormuud

Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanno ka tisran gobollada Bakoool iyo Bay, dagaalladaas oo dhaliyay khasaare isugu jirta mid nafeed iyo mid maaliyadeed.

Dagaalka ayaa qarxay markii ciidamada dowladda ay weerareen deegaan lagu magacaabo Hagarka iyadoo dagaalkaas ay ku dhinteen laba qof oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay, hal qofna uu ku dhaawacmay. Ciidamada dowladda ayaa la wraeegay deegaankaas iyagoo saacado kaddib si iskood ah uga baxay.

Sidoo kale, deegaanka Kulan-jareer oo u dhexeeya Waajid iyo Xudur una jirta labada degmo min 45-km ayaa ciidammo ka dowladda waxay ku weerareen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo deegaankaas ku sugnaa, iyadoo labada dhinac ay isaga dileen shan qof.

Wararka ayaa sheegaya in rasaastii ay dhinacyadu is-weydaarsadeen ay ku dhacday taawar ay lahayd shirkadda isgaasriinta HORMUUD iyadoo haatan aysan wax isgaarsiin ah ka jirin gobolka Bakool oo dhan, marka laga reebo degmooyinka Waadjir iyo Rabdhuurre oo ka tirsan gobolkaas.

Dhanka kale, toddobaadkii lasoo dhaafay ayaa waxaa dhibaato ay ku dhacday taawar ay lahady shirkadda HORMUUD oo ku yaalla deegaanka Garas-Weyne halkaasoo ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Shirkada HORMUUD ayaa waxaa soo food-saaray khasaaro iyadoo lagu hayo bartilmaameedyo xarumaha ay ku leeyihiin gobolka Bakool oo ka mid ah gooblllada ay dagaallada ugu badan ku dhexmaraan ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta shirkadda HORMUUD ee deegaanada Garas-weyne iyo Kulan-jareer ayaa ku dhintay dagaallo deegaannadaas lagu qaaday, iyadoo tani ay ka dhigtay khasaaraha soo gaaraya shirkadda Hormuud mid maaliyadeed iyo mid nafeed.

Hiiraan Online, Baydhabo