4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2013
Beel ka mid ah Beelaha Jareer-weyne ee Degta Gobollada Jubbooyinka oo ka soo hor-jeesatay shirka ka socda Kismaayo (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 25, 2013 (HOL) — Beesha Shan-bare oo ka mid ah beelaha gobollada Jubbooyinka ayaa si aad ah uga soo horjeestay shirka Kismaayo ka socda ee lagu sameynayo maamulka Jubaland, iyagoo ku taliyay inay dowladdu faragelin ku sameyso shirkaas oo ay sheegeen inay wataan dad gaar ah.

Kulan ay beeshan maanta ku yeelatay Muqdisho lagu soo bandhigay mas’uul cusub oo hoggaamin doona beeshaas ayaa waxaa ka qaybgalya xildhibaanno ka mid ah kuwa beelaha jareerta ugu jira baarlamaanka, kuwaasoo uu ka mid ahaa xildhibaan Xuseen Bantuu iyo weliba madaxa jaaliyadda dibadda ee beeshan, C/nuur Xuseen Iidoow.

Guddoomiyaha cusub ee beesha Shan-bare, Cismaan Xuseen Xaaji oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay inaysan raalli ka ahayn shirka Kismaayo ee lagu sameynayo maamulka, wuxuuna dowladda, beesha calamaka, ururka IGAD iyo Midowga Afrika ugu baaaqay inay arrintaas faragelin deg-deg ah ku sameeyaan.

“Jubbooyinka ma deggena inta shirka qabsanaysa oo keliya, waxaa deggen dad badan oo Soomaaliyeed. Waxaan doonaynaa in marka hore beelaha ay ku heshiiyaan in shir maamul lagu sameynayo la qabto; kaddibna la dhisto maamul loo dhan yahay, balse ma ogolaanayno in maamul gacan ku rimis ah laga dhiso Jubbooyinka,” ayuu yiri Cismaan Xuseen.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shucayb oo sheegay in beelaha Jareerweyne aysan ogolaan doonin in si dulmi ah lagu dhiso maamul, wuxuuna xusay in haddii dowladdu ay tallaabo ka qaadan wadyo waxa socda ay iyagu tallaabo qaadayaan, ayna rajeynayaan inay joojiyaan dulmiga socda.

“Beelaha Jareerta waxay dagtaa sagaal gobo loo Soomaaliya ku yaalla, ma qabato in maamul laga dhiso gobol ay deggen yihiin oo weliya xoog ku leeyihiin, haddii la joojin waayo shirka socda waxaa naga go’an inaan innagu joojinno waayo gacmaha kama xirxirnin, mana doonayno inaan cid gaar ah dulminno,” ayuu yiri Suldaad Shucayb,

Xildhibaan C/llaahi Axmed Xuseen oo ka mid ahaa xildhibaannadii kasoo qaybgalay kulanka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in loo dhiso Jubbooyinka maamul aanay dadka deegaanka oo dhan raalli ka ahayn, isagoo ku taliyay in qaybaha bulshada gobolka oo dhan laga qaybgeliyo shirka maamul u sameynta Jubbooyinka. 

Ugu dambeyn, waxaa goobta ka hadlay Xildhibaan Xuseen Maxamuud Muuse (Bantuu) oo sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay ka hortagto shirka ka socda Kismaayo, isagoo sheegay in shirkaas ay wataan dad horay dhibaatooyin uga wadi jiray dalka, haddana doonaya inay si aan sharci ahayn uga faa’iideystaan dekedda iyo garoonka Kismaayo.

“Dowladda Soomaaliya waxaan kula talinayaa inay ka hortagto shirkaas oo la doonayo in lagu dhibaatooyo beelaha deggan gobollada Jubbooyinka qaar ka mid ah. Haddii dowalddu ay ka hortegi waydo ha ogaato inuu saameyn ku yeelan karo dalka oo dhan,” ayuu yiri Xuseen Bantuu.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu sheegay inay socdaan qorshayaal ay dowladdu ku doonayso inay kaga hortagto shirka Kismaayo, balse aan weli dhammaad ahayn, isagoo sheegay in shacabka Jubbooyinka, gaar ahaan beelaha Jareerta inay u diyaargaroobaan inay difaacdaan beerahooda iyo dhulkooda haddii la damco in lagu soo duulo.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, ugaaso, oday-dhaqameedyo, haween iyo dhallinyaro kasoo jeeda beesha shan-bare oo ka tirsan beelaha degga Jubbooyinka, kuwaasoo ku qalinayay erayo ay ka mid yihiin inay kasoo horjeedaan shirka Kismaayo ee maamul u sameynta Jubbooyinka.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya