4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2013
Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ka hadlay Muranka ka taagan Jubbooyinka iyo Mooshin la geeyay Baarlamaanka Somalia

Khamiis, Abriil 25, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa dawladda Soomaaliya ku taageeray go’aankay ka istaagtay maamul u samaysta jubooyinka, isla markaana beelaha wada dega jubooyinka usoo jeediyey inay iska ilaaliyaan wixii khalkhal ku keenaya maadaama oo jubooyinku tahay meel la wadda dego.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay kulan uu dalka Itoobiya kula yeeshay madax dhaqameedka beelaha Awdal iyo Selel, waxaanu soo jeediyey in xal laga gaadho wixii tabashooyin ahaa ee ka jiray degmooyinka Saylac iyo Lughaya ee doorashooyinkii sababeen.

Sidoo kale waxa uu guul ku tilmaamay qodobadi ka soo baxay shirkii Turkiga ka dhacay ee Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey waxanu sheegay inay labadda dhinacba faa’iido u ahayd.

“Wadahadaladaasi qodobada ka soo baxay todoba ayey ahaayeen labada dhinacba guul bay u ahaayeen, meesha kuma taala aan wada joogno iyo aynu kala tagno oo Somaliland hore ayey u tagtay, ee waxay ahayd maxaynu wada qabsan karnaa”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey qodobadii ka soo baxay Shirkii Turkiga, waxa uu intaas ku daray “waxaan halkan uga mahad celinayaa baarlamaanka Soomaaliya oo rag fidmo ka dhex wado gaashaanka u daruuray oo labada dhinacba fidmo ka kala wadda oo diidan inay Soomaali wax noqoto oo heshiiso oo mooshin doonaya inuu ku duudsiyo wada hadalkii labada dhinac u dhexeeyey, waxa cadaatay inay dadkaasi doonayn inay soomaali wax noqoto meesha ay doontaba ha joogtee”

“Arrinta Kismaayo waxaan leeyahay meesha Soomaali oo dhan baa degta, maaha inay cid gaar ahi sheegato, Qabiil gaar ahi may xoreyn ee dawladda Kenya xoraysay, cida wada degta waa la garanayaa, gobolka Jubo degmooyinkiisa waa la yaqaan oo Afmadow ayaa ka mid ah, xaq bay u leeyihiin inay maamulka ka soo qaybgalaan oo madax ka noqdaan”ayuu yidhi mar uu ka hadlayey khilaafka ka taagan Jubooyinka, waxanu intaas ku daray “Deegaanka waxa leh dadka aan hubka sidan ee caanaha iyo xaabadda iyo hilibka  keena,  waanu taageersanahay siyaasada dawlada Somaaliya kula socota arrimaha jubooyinka, waxaanu leenahay jinku yaanu idin galin kolba meel buu jinku galaaye, fidmo wadayaashana iska ilaaliya”.

Sidoo kale, waxa uu gudoomiyuhu sheegay inuu la kulmay ugaaska beesha Saylac iyo UGaaska Awdal, waxaanu tilmaamay inuu isku dadayo inuu xaliyo tabashooyinka ka jira Saylac, isla markaana la tixgeliyo waxyaalaha ay ka cabanayaan.

Waxaa kaloo uu sharci daro ku tilmaamay muddo kordhintii loo sameeyey baarlamaanka Somaliland oo uu sheegay inaanu aqoonsanayn wixii ay soo saaraan, isla markaana uu bisha june ee soo socota shir qaran oo lagaga tashan doona dhibaatooyinka jira uu qabanqaabin doono.

Waxa kale oo uu eedeeyey gudoomiyaha golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan oo  uu sheegay inuu u dhago nugul yahay madaxweynaha, sidaa darteedna waxay xukuumaddu usoo gudbiso uu u ansixinayo.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay kulan uu la yeeshay dawlad goboleedka soomaalida Itoobiya, kuwaas oo uu sheegay inay Somaliland ka cabanaayaan, Loona baahan yahay in xidhiidh wanaagsan lala yeesho maadaama oo labadda dhinac jaar yihiin.

“Waa inaynu la heshiinaa kililka , aad baan uga mahadnaqaya wasiirada iyo madaxweynaha, haddii aynu la noolaan wayno kililka yeynu la noolaan karnaa, wax wada qabsiguna wuxuu ku fiican yahay marka labadda dhinac si fiican u wada shaqaynayaan ee aanu dhinac uun faa’iidayn ”ayuu yidhi Faysal oo ka hadlayey in xidhiidh wanaagsan lala yeesho kililka shanaad ee Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, gudoomiyaha xisbiga UCID waa siyaasigii ugu horeeyey ee Somaliland ah oo ka hadlay arrimaha ka taagan Kismaayo iyo gudaha Soomaaliya waxa ka dhacaya.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland