4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2013
Saraakiisha Maamulka Gobolka Hiiraan oo shaaciyay inay fashiliyeen qaraxyo laga fulin lahaa Magaalada Baladweyne

Khamiis, Abriil 25, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciidamada nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan ayaa sheegay in ay ka hortageen ama fashiliyeen qorshayaal dhowr ah oo sida ay sheegeen Al-shabaab ay ku doonayeen in ay qaraxyo uga fuliyaan gudaha magaalada Baladewyne.

Col Isaaq Cali C/dulle oo ka mid ah saraakiisha ciidamada booliiska magaalada Baladweyne ayaa u sheegay warbaahinta in ay gacanta ku dhigeen rag ka tirsan Al-shabaab oo sida uu sheegay loo soo dirray in ay weeraro ama qaraxyo abaabulan ka geystaan magaalada Baladweyne.

''Xabsiga ayeey hadda ku jiraan raggaas, dhawaanna waxaan hor keeni doonaa sharciga, walina waxaa jira howlgalo ay wadaan ciidamada oo lagu baadi-goobayo kooxo kale oo laga yaabo in ay wali magaalada ku dhuumaaleysanayaan,'' ayuu yiri Col Isaaq Cali C/dulle.

Maalin ka hor ayeey aheyd markii qarax lagu weereeray goob maqaaxi ah oo aan ka fogeyn saldhiga booliiska magaalada Baladweyne uu sababay dhimashada hal ruux oo rayid ah iyo dhawaca labo kale, waxaana jira dad loo soo qab qabtay qaraxa ka dhacay agagaarka saldhiga booliiska ee khasaaraha sababay.

Col. Isaaq Cali C/dulla ayaa sheegay in ciidamada booliiska maamulka gobollka shaqo adag oo dhinaca nabad-galyada ah ka hayaan magaalada Baladweyne, waxaana uu ugu baaqay qeybaha bulshada ku dhaqan magaalada in ay ciidamada ka gacan siiyaan sugida amniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya