4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 24, 2013
Shil gaadhi oo sababay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhacay Duleedka Magaalada Arabsiyo ee Somaliland

Arbaco, Abriil 24, 2013 (HOL) — Illaa sideed qof ayaa geeriyooday, afarkana way ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay duleedka magaaladda Arabsiyo oo 25 KM dhinaca galbeed ka xigta magaaladda Hargeysa.

Shilkan ayaa waxa sababay saddex gaadhi oo isku duqeeyey  meesha la yidhaa Caro yaanbo oo u dhow magaaladda Arabsiyo,  waxaanay baabuurtan isku dhacay ahaayeen gaadhi xamuul ah oo Raashin u siday magaalada Gabiley iyo gaadhi kale oo weyn oo khudrad ka keenay Itoobiya iyo gaadhi kale oo rakaab siday, kuwaas oo goobtaasi ku burburay saddexdii baabuurba.

Dadkan geeriyooday ayaa kala ahaa saddex caruur ah, saddex haween ah iyo laba nin, waxaana intii dhimatay maahee inta dhaawaca ahna lagu dawaynayaa cisbitaalka magaaladda Gabiley, halka intii dhimatayna la geeyey isla cisbitaalkaasi si loogu aaso.

Si kastaba ha ahatee, dadkan waxa u gurmaday maamulka gobolka Gabiley iyo hawl-wadeenadda caafimaadka ee magaaladda Gabiley, kuwaas oo ku mashquulsana badbaadinta dadkaasi.

Sidoo kale waxa baadhaya sababta  shilkani u dhacay ciidanka waddo marista oo sheegay inay baadhayaan waxa keenay shilkan.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland