4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 24, 2013
Mareykanka oo sheegay in Sanadkii lasoo dhaafay ay Soomaaliya ka dhaceen Xad-gudubyo Dhinaca Xuquuqda Aadanaha ah

Arbaco, Abriil 24, 2013 (HOL) — Warbixin ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka soo saarto sannad walba laguna soo bandhigo xad-gudubyada dhinaca xuquuqda aadanaha ah ee caalamka ka dhaca ayaa waxaa dalalka looga hadlay ka mid ah Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in sannadkii hore ay ka dhaceen Soomaaliya xadgudubyo dhinaca bani’aadamnimada ah, sida Puntland, Somaliland iyo koonfurta Soomaaliya.

Xarakada Al-shabaab ayay warbixintu sheegtay inay weli waddo xadugudbyo ay ka dhan ah bani’aadamnimada, iyadoo la sheegay inay dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin kufsi iyo inay dadka ka horjoogsadeen inay si xor ah u dhaqdhaaqaan.

Goobaha ay warbixintu sheegtay inay Al-shabaab dhibaatooyinka ka geysato ayaa waxaa ka mid ah goobaha ay ka taliso iyo kuwii laga saaray, waxaana sidoo kale warbixinta lagu sheegay in Al-shabaab ay horjoogsadatay inay ka shaqeeyaan goobaha ay ka taliso hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee gargaarka bani’aadamnimo.

Sidoo kale, warbixinta waxaa lagu sheegay in ciidamadii daacadda u ahaa dowladdii KMG ahayd, kuwa Puntland, kuwa Somaliland, burcadbadeed iyo kooxo aan cid ay ka amarqaataan aan la aqoon ay geysteen dilal aan loo aabbo yeellin.

Warbixinta ayaa sheegay in si gaar ah loo beegsaday shaqaalaha samafalka, sidoo kalena la toogtay dad shacab ah oo aan waxba galabsan oo ku sugnaa goobo ay ka dhacayeen iskahorimaadyo hubeysna

Eedeysanayaan la horgeeyay maxkamado ayay sheegtay warbixintu inaysan helin maxkamadeyn cadaalad ah loona diiday inay qabsadaan qareenno u dooda iyo inay rafcaan ka qaataan xukunno lagu riday, iyadoo askar dil lagu xukumayna si dhaqso ah loo dilay.

Bishii July ee sannadkii hore ayay warbixintu sheegtay in afar askari oo ka mid ahaa ciidamada dowladdii KMG ahayd lagu fuliyay dil toogasho oo deg-deg ah, kaddib markii lagu helay inay dileen dad rayid ah, iyadoo dowladdu ay xukunkeedaas sabab uga dhigtay inuu yahay farriin ay dirayso dambiilayaasha aan sharciga ka baqayn.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in bishii November ee sannadkii hore ay ilaalada madaxweynaha Puntland toogasho dileen gabar afar qof oo kalena ay dhaawaceen, kuwaasoo ka mid ahaa dad dhigayay dibadbax ay uga soo horjeedaan  booqasho uu madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Faroole ku tagay magaalada Qardho iyo sidoo kalena kasoo horjeeday inuu hal sano ku darsado xukunkiisa.

Dhanka kale, warbixinta waxaa looga hadlay dhibaatooyinka xabsiyada ku yaalla Soomaaliya ka jira; iyadoo lagu sheegay inaan si rasmi ah loo ogeyn tirada maxaabiista ku jira xabsiyada dalka. Balse warbixin ay bishii July ee sannadkii hore soo saartay Qaramada Mdioobay ayaa lagu sheegay inay ku jiraan xabsiga dhexe 950 maxbuus oo 14 ka mid ah ay yihiin haweenka 39 kalena ay yihiin dhallinyaro rag ah.

Dhibaatooyinka ka jira xabsiyada ayay warbixintu ku sheegtay inay ka mid yihiin dadka oo is-dul-saaran, nadaafad darro iyo iyagoo aan haysan daryeel caafimaad, cunno iyo biyo ku filan iyo qaboojiyeyaasha oo iyagana uu dhib ka taagan yahay.

Warbixinta ayaa lagu xusay in maamullada Puntland iyo Somaliland ay u ogolaadeen kormeerayaal aan dowli ahayn inay la socdaan xaaladaha ka jira xabsiyada, sidoo kalena ay Somaliland u ogolaatay xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay inay booqdaan xabsiyadooda, balse Puntland ay kasoo horjeesatay arrintaas.

Bishii Abriil ayay warbixintu sheegtay in khabiir madaxbanaan oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya uu booqday xabsiyo ku yaalla Puntland iyo Somaliland uuna soo ogaaday in si sharci-darro ah ay dad ugu xiran yihiin, isagoo sheegay in xaaladaha xabsiyadaas aysan wanaagsanayn oo ay leeyihiin keliya dariishado yaryar oo ciriiri ah.

Ugu dabeyn, khabiirku oo aan magaciisa la sheegin ayaa xusay in xabsiyada uu booqday ay ku jiraan haween loo haysto inaysan adeecin raggooda iyo waalidiintood. Iyadoo maxaabiistaas qaarkoodna ay dhulka seexdaan iyagoo aan gogol haysan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya