4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2013
Koox ka dhisan Columbus OHIO oo ku Guuleysatay Koobka Indoor Soccer Cup oo lagu qabtay Magaaladaas (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 02, 2013 (HOL) — Maalintii Axadda ahayd ee lasoo dhaafay ayaa waxaa (31 Maarso, 2013), waxaa lagu soo gaba-gaboobay tartankii 13- aad ciyaaraha kubadda cagta ee Indoor Soccer Cup magaalada Columbus ee gobolka Ohio.

Koobkan oo ay kasoo qayb-galeen in ka badan 24-kooxood ayaa waxaa lagu tartamayay hanashada koobkaas, waxayna kooxahan isugu jireen kuwo ay u  ciyaarayeen dhallinyaro, kuwo ay u ciyaarayeen dad da’ dhexaad ah oo ay hoggaaminayeen rug-cadayaashii isboortiga Soomaaliyeed ku ahaa magaca iyo maamuuska.

Ciyaartii kama dambeysta ahayd waxaa isugu soo baxay koox ka socotay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, (Twin City Stars) iyo koox ka dhisan Columbus Ohio (Hilaac FC).

Ciyaartaas oo ay ku dhamaatay barbar-dhac saddex gool iyo saddex gool ah ayaa waxaa labada kooxood ay ku kala baxeen rigoorayaal ama gool ku laadyo, iyadoo guusha ku raacday kooxda Hilaac FC oo ka dhisan Ohio.

Tartanka koobkan ayaa wuxuu ahaa mid xiiso badan leh, iyadoo dadweyne aad u badan oo Soomaaliyeed iyo kuwo Ajnabi ah maalin walba u daawasho tegi jireen ciyaaraha, iyadoo ciyaartoyduna ay soo bandhigi jireen ciyaaro aad u xiiso geliya inta daawanaysa.

Sannad walba ayaa waxaa ciyaaraha noocan oo kale ah lagu qabtaaan dalalka ay Soomaalidu ku nool yihiin sida kuwa Waqooyiga Mareykanka iyo kuwa Yurub, iyadoo koox walba ay tartan adag u gasho sidii ay koobka ku hanan lahayd.