3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2013
Madaxweynaha Puntland oo Cambaareeyay weerarkii lala beegsaday xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir ee Muqdisho

Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa canbaareeyey weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee shalay lagu qaaday xarunta maxkamadda gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxamaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa si aad ah loogu canbaareeyey weerarkaas oo lagu tilmaamay in uu ahaa mid waxashnimo ah.

Maamulka Puntland ayaa dhinaca kale tacsi u diray ehelada iyo asxaabta dhamaan dadkii weerarkaas ku geeriyoodey, iyagoo ilaah uga baryey in uu samir iyo iimaan ka siyo, kuwa dhaawaca ahna caafimaad ugu deeqo.

“Puntland waxay weerarkaas u aragtaa mid argagixiso isla markaasna looga gol leeyahay in lagu wiiqo jiritaanka iyo qaranimada Ummadda Somaliyeed. Sidaa awgeed ayaa Dawladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Shacabka Somaliyed in ay meel oga soo wada jeestaan sidii loo soo afjari lahaa, kooxaha argagixisada ah ee hortaagan nabadda,xasiloonida iyo horumarka ummadda Somaliyeed” war-saxaafadeedka ayaa sidaas lagu yiri.

Dhinaca kale, wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo maamul wanaagga ee Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) oo isna maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ujeedada weerarkaasi ay ahayd in la dabar jaro dadka bulshada wax ku oolka u ah.

“Shalay wax aad looga naxo ayaa Muqdisho ka dhacay…ujeedaduna waxay ahayd in la laayo dadka bulshada indhaha u ah, si ay isugu soo haraan dad aan waxba ogeyn…arintaasna dowladda Puntland aad ayey u canbaareyneysaa” wasiir gaashaan ayaa yiri.

Weerarkii shalay lagu qaaday xarunta maxkamadda ee magaalada Muqdisho, islamarkaana ay mas’uuliyadiisa sheegatay xarakada Al-shabaab, waxaa ku geeriyoodey 25qof in ka badan 40 qof oo kalena way ku dhaawacmeen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Punltand, Soomaaliya













Click here
4/15/2013 2:55 PM EST
Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiramxaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee madaxtooyada Puntland oo laga dhisay duleedka magaalada Garoowe ee xarunta Punland, kaasoo noqonaya madaxtooyadii ugu horreysay ee laga dhiso Garoowe.

4/15/2013 10:36 AM EST
Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada xukuumadda iyo taliyayaasha ciidamada ayaa maanta booqday maxkamadda gobolka oo uu ka dhacay shalay u weerarkii ugu xumaa ee soo mara Muqdisho. Isagoo sheegay inay ku dhinteen 29-qof ayna ku dhaawacmeen 58-qof oo kale.

4/15/2013 8:48 AM EST
Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiinta dawladda hoose ee degmada Laascaanood ayaa shaaca ka qaaday inay billaabayaan olole biyaha fadhiista badhtamaha magaalada lagaga hagaajinayo labada maalmood ee soo socda.

4/15/2013 8:17 AM EST
Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Xukuumadda Britain ayaa cambaareysay weerarradii ismiidaamin ah ee Axaddii shalay ahayd ka dhacay magaalada Muqdisho oo salfaday nolosha in ka badan 33 qof, iyadoo sheegtay inay horay uga digtay weerarradan.

4/15/2013 7:31 AM EST
Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — GolahagGuurtidda Somaliland, ayaa maanta muddo laba sanno ah ku kordhiyey golaha Wakiiladda Somaliland kaddib markii ay muddo dhaaftay, isla markaana ay ka dhamaatay muddo ay hore ugu kordhiyeen.

4/15/2013 7:13 AM EST
Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) —Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta shaaciyey wakhtiga ay qabsoomi doonta doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland.

4/15/2013 6:49 AM EST
Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Waxaa dib loo furay labo buundo oo ku yaal jidka soo gala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari kaddib markii dayactir xooggan lagu sameeyey.

4/15/2013 6:45 AM EST
Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Miinooyin kuwa lidka taangiyada ah, oo muddo 30-sano ka badan ku xabaalnaa miyiga degmada Gal-dogob ee gobolka Mudug ayaa lagu guuleystey in la saaro. Qorshaha miinooyinkan lagu saaray oo ah mid todobaadyadii ugu danbeeyey lagu howlanaa, waxaa iska kaashaday maamulka iyo waxgaradka Goldogob.

4/15/2013 2:28 AM EST
Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmauud ayaa ku dhawaaqay dagaal cusub oo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab, kaddib kulan deg-deg ah oo xalay ay guddiga ammaanka Qaranka ku yeesheen xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

4/15/2013 2:26 AM EST
Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii hore Al-Soomaaliya, Prpf. Cali Maxamed Geeddi oo ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay inuu ku yimid habacsanaan dhinaca ammaanka iyo dowladda oo aan qaadan digniinihii ka imaanaya caalamka.

4/15/2013 2:25 AM EST
Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in weerarkii lagu dilay samafalayaasha Turkiga ah ee ka dhacay Muqdisho ay iyagu ka dambeeyeen uuna farriin u yahay shisheeyaha ku sugan dalka Soomaailya.

4/15/2013 2:22 AM EST
Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay khasaarihii ka dhashay weeraradii shalay ka dhacay Muqdisho, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in 33-qof oo isugu jira kooxihii weerarka qaaday, ciidamada dowladda, shaqaale iyo dad shacab ah ay ku dhinteen weerarradaas.