4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2013
Golaha Guurtidda Somaliland oo laba sanno u kordhiyay xilliga uu shaqeynayo Golaha Wakiillada Somaliland (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — GolahagGuurtidda Somaliland, ayaa maanta muddo laba sanno ah ku kordhiyey golaha Wakiiladda Somaliland ka dib markii ay muddo dhaaftay, isla markaana ay ka dhamaatay muddo ay hore ugu kordhiyeen.

Sidoo kale, goluhu waxay buuxiyeen jagaddii uu ka geeriyooday gudoomiye ku xigeenkii 1aad ee Guurtida Marxuum Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure, waxaana loo doortay jagadaasi Siciid Jaamac Cali oo hore u ahaa gudoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha, haseyeeshee maanta iska casilay xilkii gudomiye ku xigeenka 2aad, isla markaana loo doortay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha.

Kalfadhigan aan caadiga ahayn ee golaha Guurtiddu iskugu yimid waxa ka hadlay Gudoomiyaha golaha Guurtidda Md:Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanu  golaha u sheegay inuu iskugu yeedhay in muddo kordhin loo sameeyo golaha Wakiiladda, maadaama oo muddo xileedkooddu dhamaaday, sidaa darteed in loo kordhiyo iyo in aan loo kordhin cod loo qaado.

Haseyeeshee, waxay Golaha Guurtidda cod aqlabiyadda oo gacan taag ah iskugu raaceen in muddo laba sanno iyo bil loo kordhiyo golaha Wakiiladda, sidoo kale waxay cod aqlabiyad ah ugu codeeyeen in guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Guurtidda uu noqdo Xildhibaan Siciid Jaamac Cali.

Golaha Wakiiladda ayaa doorashadoodda lagu beegay doorashadda madaxtooyadda Somaliland, isla markaana waxay doorashadda golaha Guurtiddu hal sanno ka dambayn doonnaan doorashadda golaha Wakiiladda.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha qaar ayaa ka soo horjeestay muddo kordhintaasi golaha, isla markAana soo jeediyey in la kala diro oo lacagtoodana loogu kordhiyo ciidamadda.





Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland