4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2013
Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Maanta shaaciyay waqtiga ay dhacayso Doorashada Goleyaasha Deegaanka

Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka  Puntland ayaa maanta shaaciyey wakhtiga ay qabsoomi doonta doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Prof. Maxamed Xasan Barre ayaa shir jaraa’id oo uu maanta warbaahinta ugu qabtay xarunta guddiga ee magaalada Garoowe, wuxuu kaga dhawaaqay wakhtiga ay doorashadu dhici doonto.

Wuxuuna sheegay in guddigu dood dheer kadib, markii uu si fiican uga fiirsaday, uu go’aamiyey in doorashu ay dhacdo 30-ka bisha soo socota ee June.

“Guddigu markuu ka fiirsaday, si weynna u darsey, wuxuu go’aamiyey in maalinta doorashada goleyaasha deegaanku ay dhaceyso ay noqoto 30-ka bisha lixaad ee soo socota” Prof. Barre ayaa sidaas war-fidiyeenada u sheegay.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa dhinaca kale tilmaamay in sida uu sharcigu qabo ay go’aankan u gudbiyeen madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole, madaxweynuhuna uu soo saaray qoraal uu arintaas ku ogolaaday.

Xeerka doorashooyinka Puntland ayaa dhigaya in wakhtiga doorashada la shaaciyo 75 maalmood kahor xiliga ay dhaceyso, waxayna arintani kusoo aadeysaa xilli dhowaan 2 kamid ahaa ururada siyaasadda ee Puntland ay doorashadaas qaadaceen.

Doorashada goleyaasha deegaanka ee maanta la shaaciyey wakhtiga ay qabsoomi doonto, waa tii ugu horeysey ee Punltand ka dhacda, waxaana xusid mudan in 3da urur ee doorashadaas ka hela codadka ugu badani ay noqon doonaan 3da xisbi siyaasadeed ee ku loolami doona hogaanka siyaasadda ee Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya