4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2013
Ra’iisul Wasaarihii Somalia oo sheegay in Weerarradii Muqdisho ka Dhacay ay ku yimaadeen Habacsanaan dhinaca Amniga ah


Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii hore Al-Soomaaliya, Prpf. Cali Maxamed Geeddi oo ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay inuu ku yimid habacsanaan dhinaca ammaanka iyo dowladda oo aan qaadan digniinihii ka imaanaya caalamka.

Prof. Geeddi ayaa sheegay in wixii dhacay ay ahayd mid qornayd inay dhacdo balse loo baahan yahay in dowladda federaalka Soomaaliya looga baahan yahay ay ka digtoonaato inay mar kale dib u soo laabtaan.

“Dowlad markii loo sheego inay dhibaato kusoo wajahan tahay dalkooda, dignooni badan ayay sameysanaa, dhinacii uu warka ka yimid ayayna macluumaadka la wadaagtaa, xogtay raadsataa, wayna ka diyaar-garowdaa in khatarha la sheegayo inay saameyn ku yeeshaan dalkooda iyo dadkooda, waana ii muuqataa in arrimaha amniga aan sidii loo baahnaa loo maamulin,” ayuu yiri Prof. Geeddi.

Sidoo kale, ra’iisul wasaarihii hore wuxuu sheegay in dadkii ku geeriyooday weerarkaas ay ahaayeen dad wax-gal u ah Soomaaliya, isagoo tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, ehelladii ay dadkaas ka dhinteen iyo dowladda, wuxuuna ku baaqay in weerarkaas oo kale uusan mar dambe soo laaban.

Xukuuumadda Britain ayaa toddobaad ka hor uga digtay muwaadintiinteeda inay u safraan Soomaaliya oo ay sheegtay inay kusoo wajahan yihiin weerarro argagaxiso, kuwaasoo ay sheegtay inay marayaan heerkii ugu dambeeyay.

Dhanka kale, agaasimihii hore ee hay’adda nabadsugidda Qaranka ayaa sheegay in falkii shalay dhacay uu ahaa mid aan horay uga dhicin Muqdisho, wuxuuna eedda dusha ka saaray hay’adaha ammaanka oo uu ku tilmaamay kuwo ka seexday howlahoodii sugidda ammaanka.

“Falkan waa mid aan horay uga dhicin Muqdisho intii ay colaaduhu jireen, waana mid ku timid habacsanaan dhinaca ammaanka oo ka timid hay’adaha nabad-sugida iyo kuwa ammaanka” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi oo dhawaan ku dhawaaqay inuu iska casilay hoggaanka hay’adda nabadsugidda Qaranka.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarro u badnaa Ismiidaamin oo shalay ka dhacay Muqdisho, iyadoo sheegtay inay ahaayeen kuwo laga gaaray hadafkii lagala lahaa ayna fuliyeen rag iyaga ka tirsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya