4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2013
Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay bandhig dhaqameed lagu qabtay Waddanka Cummaan (SAWIRRO)


Axad, Abriil 14, 2013— Bandhig si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Magalada Salalah ee Waddanka Cummaan . Bandhiggan ayaa waxaa ka qeybgalayay Dhammaan jaaliyadaha ku nool waddankaan Cumaan , waxaana lagusoo bandhigayay Cuntooyinka Waddan walba uu ku faano.

Munaasabaddan waxaa agaasimay Naadi ka mid ah Naaadiyada Waddankaan ugu waa weyn oo lagu maga caabo ( NAADI NASAR) oo ay xubin ka tahay Jaaliyadda Soomaliyeed ee Cummaan ku nool , waxaana  bandhiggaan  lagu casuumay oo xarigga ka jaray  Wasiirka  Belediyaha Cummaan, Saraakiil sare  oo Police ah Iyo Shuyuukh.

Jaaliyadda Soomaalida ayaa Bandhiggan si weyn uga dhex muuqanayay ,waxayna soo bandhigeen Cuntooyin Soomaalidu hidaha u leedahay oo u gaarka ah sida Oodkaca, Caanaha Geela, Muufada,Canjeelada, Suugada, Shushumowga ,Saanbuuska, Bajiyaha, Hilibka Geelka iyo waxyaalo badan . Sidaas oo kale waxay soo bandhigeen  alaabaha Soomaalida hiddaha iyo dhaqanka u leedahay,  sidoo kale waxay soo bandhigeen  cayaaro dhaqameed  iyo majaajillooyin  iyo Hal-xiralayaal.


Sida oo kale Waxay Soo daabaceen  Book ka shekaynaya Tariikhda Soomaaliya  iyo waxyaalaha ay Taarikhiga ku tahay Jaaliyadda Soomaliyeed ayaa Bandhiggaaas ka  gashay kaalinta koowaad, waxaana  u hambalyeeyay dhammaan ma suuliyiintii ka soo qaybgalay xafladdaan.

Xafladdaan Bandhigga ahayd ayaa  markii Jaaliyadda Soomaaliyeed ay  ku guulaysteen Kaalinta  koowaad ayaa  waxaa TV-yada   waddankaan Cummaan   waraysi ka qadeen   Gudoomiyha Jaaliyadda soomaliyeed ee wadan kaan Cummaan   Barkad Maxamad Maxamuud  (Barkhad Sheekeeye), kaasi oo TV yada  uga war bixiyey   Dhaqankeena  soomaliyeed   sidaas oo kale waxa uu uga  warbixiyay waddankeena  Soomaaliya in uu ka mid yahay waddamada ugu khayraadka badan waxaa kale oo uu uga warbixiyay jaaliyadda Waddanka Cummaan ku nool, tiradooda iyo waxyaabaha ay ku heystaan.










Xogahaya Xafiiska Jaaliyadda Soomaaliyeed ee  Cummaan

Ibrahim Said Salah
[email protected]
+968 99557422