4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2013
Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo Cambaareeyay Weerarkii Maxkamada Gobolka Banaadir

Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cimsaan (Jawaari) iyo ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa cambaareeyay weerar maanta lagu qaaday dhismaha maxkamadda gobolka Banaadir, kaasoo ay ku dhinteen dad aad u badan.

Mas’uuliyiintan ayaa mas’uuliyadda weerarkan dusha ka saaray Al-shabaab iyagoo ku tilmaamay mid argagaxiso oo la doonayo in lagu waxyeelleeyo horumarka ay dowladdu ku tallaabsatay dhowrkii bilood ee ay jirtay.

“Weerarkan wuxuu muujinayaa in cadowga looga guuleystay lagana qabsaday dhamaan goobihii muhiimka u ahaa ay ku lahaayeen guud ahaan gobollada Soomaaliya, wuxuuna calaamad u yahay jabka gaaray Shabaab,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Annagu horay ayaan u soconaa, laakiin cadowga Soomaaliya iyo kan bani-aadamka ayaa isku dayaya inuu naga hor-istaago horumarka. Waxaan rabaa in Al-shabaab iyo Al-qaacida ay ogaadaan in Soomaaliya horumarka iyo nabadda aysan ka hor istaagi karin koox yar oo argagixisa ah.“

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari oo isaguna warsaxaafadeed kasoo saaray xafiiskiisa Muqdisho ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid muujinaya in Al-shabaab ay weli qalalaase kawaddo Soomaaliya isagoo u hambalyeeyay ciidamadii dowladda ee ku guuleystay inay ka hortagaan.

"Shacabka Soomaaliyeed waxaan kula talinayaa inay gacan ku siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka ayna uga hortegi lahaayeen kooxaha ammaan-darrada ka wada caasimadda iyo deegaannada kale ee dalka," ayuu yiri Prof. Jawaari.

Weerarkii lagu qaaday maxkamadda gobolka Banaadir ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca Muqdisho, iyadoo su’aalo badan la iska weydiinayo sababta keentay in xoogag Al-shabaab ka tirsan ay gudaha u galaan maxkamadda oo ilaalo xooggan laga hayo.

Ugu dambeyn, madaxweynaha iyo guddoomiyuhu waxay tacsi u direen ehellada askatii iyo dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay weerarkaas, iyagoo kuwa ku dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah, iyagoo sheegay in dowladdu ay tallaabo ammaanka lagu adkeynayo qaadi doonto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya