4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2013
Afar Caruur ah oo Caano Sumeysan oo ay Cabeen ugu Geeriyootay Degmada Balli-busle oo ka tirsan Gobolka Sanaag

Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — Afar cunug ayaa maanta ku sumoobay miyiga degmada Balli-Busle ee gobolka Sanaag, kadib markii ay cabeen biyo sumeysan. Labo kamid ah caruurtaas ayaa isla goobta ku geeriyoodey halka labada kalena ay xaaladoodu xilligan aad u liidato.

Maamulka degmada Balli-Busle oo aan khadka telefoonka kula xiriirnay ayaa sheegay in caruurta geeriyootey ay hal qoys ka wada tirsanaayeen, iyagoo intaas raaciyey in goobta uu shilku ka dhacay oo durugsan darteed; ay suurta geli weydey in gargaar deg deg ah loo fidiyo.

Maamulka Balli-Busle ayaa ugu danbeyntii sheegay in aysan wax badan kala socon qaabkii ay caruurtu ku sumoobeen, maadaama  xiligii ay sumoobayeen ay keligood ahaayeen, haseyeeshee loo maleynayo in ay biyo ku cabeen weel caag ah oo ay suni ka dhamaatay.

Dadka reer miyiga ah ayaa inta badan isticmaala weelalka caagga ah ee lagu keeno dareerayaasha ay kamid yihiin: Olyada, Saliid-bareegga iyo caagaga yar yar ee ka dhamaato suntan xoolaha la mariyo si dulinka looga dilo.

Hay’adaha samafalka ee caalamiga ah qaarkood iyo dowladda Puntland ayaa dhowr mar oo hore sameeyey ololeyaal dadka reer guuraaga ah looga wacyi gelinahyo khatarta miinooyinka iyo suntan, si loo yareeyo dhibaatada ka dhalan karta.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa bil kaddib markii ay lix gabdhood o ardey ahi ay ku sumeebeen sheybaarka dugsiga sare ee degmada Badhan oo iyadu ah xarunta gobolka Sanaag.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya