4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2013
Faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan Weerarkii Maanta lagu qaaday Dhismaha Maxakamda Gobolka Banaadir (SAWIRRO)


Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — Inta la ogyahay 20-qof oo isugu jira kooxihii weeraray maxkamada gobolka Banaadir, ciidamada dowladda Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan maxkamada iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen maanta dhimasha maxkamada gobolka Banaadir ee Muqdisho.

Weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyay sida wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka Qaranka uu sheegay sagaal qof oo qaarkood ay ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa.

“Ciidamada dowladu waxay ku guuleysteen inay ka adkaadaan kooxihii soo weeraray Maxkamada Gobolka, dhamaantood oo sagaal ahaana waxay ku dhinteen gudaha maxkamada, lix ka mid ah way isqarxiyeen; sadex kalena la toogtay” ayuu yiri Wasiirka Amniga, C/kariin Xuseen Guuleed.

Sarkaal ka tirsan maxkamada gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Aadan Sabdow ayaa sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay xirnaayeen dharka ciidamada dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay inay moodayeen ciiidamada dowladda, isagoo xusay in mid ka mid ah uu markiiba isqarxiyay, kuwii kalena waxay bilaabeen inay rasaas furan.

“Darbiga ayaa kasoo booday sidaas ayaan ku baxsaday, dagaalku wuu ahaa mid aad u xoogan, ma ahayn mid la filayay wuxuu ku dhacay si aan aad ula yaabay,” ayuu yiri mid ka mid ah garsoorayaasha maxkamada gobolka Banaadir oo ka baxsaday xarunta intii uu dagaalku socday.

Albaabka hore ee maxkamada oo ahayd halkii uu dagaalku ka bilowda ayaa lagu arkay maydadka shan askari oo ka tirsan ciidamada dowlada iyo mid ka mid ah kooxihii isqarxiyay, sidoo kale gudaha dhismaha ayaa lagu arkay maydadka dad shacab ah oo maxkamada u tagay dacwooyin.

Shaqaalihii maxkamadda ee la dilay waxaa ka mid ahaa la taliyaha dhinaca warfaafinta ee maxkamadda, Maxamed Xasan Xabeeb, garyaqaan, Maxamed Maxamuud Afrax oo u doodayay wariye C/casiis Koronto intii uu ku jiray xabsiga dhexe iyo garyaqaan, C/kariin Xasan Gorod.

Dhismaha maxkamada gobolka ayaa waxaa haatan gacanta ku haya ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, iyadoo lagu guuleystay in la badbaadiyo guddoomiyihii maxkamadda sare, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf, guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Xaashi Cilmi Nuur iyo shaqaale kale oo ka tirsan maxkamadda gobolka Banaadir iyo maxkamadda sare, kuwaasoo ku jiray gudaha maxkamadda markii uu dagaalku billaabanayay.

Madaxda Dowlada oo ka hadlay weerarkasn ayaa ku tilmaamay fal argagaxiso oo aad looga naxo, iyagoo sheegay inuusan naxuusin doonin howlaha dowlada Soomaaliya ay ku doonayso inay dalka oo dhan ka dhigto amaan.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya