4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2013
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Booqasho ku tagay Baarlamaanka Sweden (SAWIRRO)


Axad, April 14, 2013(HOL)—Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya  oo todobaad ku sugnaa dalka Sweden ayaa waxay fursad u heleen in ay arkaan sida uu u shaqeeyo baarlamaanka dalka Sweden, iyagoo sidoo kale la kulmay qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Sweden.

 

Xildhibaannada oo kala ah Maxamed Xasan Amiin, Cumar Cali Nuur iyo Maxamed Cumar Maxamuud ayaa markoodii hore Sweden ku tegay casuumaad ay ka heleen Xisbiga Socialdemokarter oo shirweyne ku lahaa caasimadda labaad ee dalka Sweden ee Gothenburg. Xildhibaannadan ayaa waxay ka tirsan yihiin Ururka SSUP oo xubin ka ah Xisbiga Socialdemokarter.

 

Intii uu shirweynaha socday ayay xildhibaannadu la kulmeen Guddoomiyaha Xisbiga Socialdemokarter Mr. Stefen Löfen oo doorashada soo socota ee dalka Sweden u tartami doona Ra’iisal Wasaarenimada Dalka Sweden. Stefen . Sidoo kale waxay la kulmeen Gudoomiyaha Ururada Shaqaalaha ee Sweden (LO) Carl Peter iyo xubno ka socday Ururka Olof Palm Center.

 


Xubno ka tirsan Baarlamaanka Sweden ay fursad u heleen in ay la kulmaan, kuwaasi oo kala ahaa Carina Hägg, Lars Johansson, Arhe Hamednaca, Fredrig Olovsson, Patrik Björck iyo Jenny Olsson oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda qeybta Afrika. Sidoo kalena waxay la kulmeen mas’uuliyiin ka socday ururka Swedsom oo ah mid ay ku  bahoobeen dad Soomaali iyo Swedish isugu jira.

 

Mas’uuliyiintii ay la kulmeen ayaa waxay si weyn u soo dhaweeyeen isbedelka ka dhacay Soomaaliya iyo in Soomaaliya ay haatan leedahay dowlad aan KMG ahayn, iyagoo sidoo kalena ballanqaaday in ay diyaar u yihiin in ay intii karaankooda ah ka geystaan sidii uu dalka Soomaaliya dib cagahiisa isugu taagi lahaa.

 

Sidoo kalena intii ay Sweden joogeen waxay Magaalada Katrineholm kula kulmeen Guddoomiyaha degmadaas Göran Dalström oo ku soo dhaweeyay degmada. Göran Dalström iyo Xildhibaannad ayaa isweydaarsaday xog ku saabsan labada dal, gaar ahaan nidaamka uu ku shaqeeyo dalka Sweden iyo qaabka ay dooneyso in ay ku shaqeyso dowladda Soomaaliya. Sidoo kalena waxay la hadleen Soomaalida ku nool gobolka Södermanland, kuwaasi oo ay uga xog warrameen xaaladda dalka Soomaaliya.

 


Xildhibaannadan oo ku laabtay dalka Soomaaliya ayaa intii aysan bixin waxay u mahadceliyeen intii ku soo dhaweysay dalka Sweden, gaar ahaan Carina Hägg oo iyadu ka dambeysay in ay yimaadaan dalka Sweden iyo Yaasiin Maaxi Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Ururka SSUP. Carina Hägg iyo Yaasiin Maaxi ayaa booqasho ku tegay dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo booqashadooduna ay ahayd mid ay ugu kuurgelayeen isbedelka ka dhacay dalka Soomaaliya.







 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]