4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2013
Maxkamadda Magaalada Hargeysa oo Xukun iyo Ganaax ku ridday Muwaadin Dhaliilay Xukuumadda Somaliland

Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa maanta xukuntay Jaamac Cilmi Jiir oo ah muwaadin maqaalo taxane ah oo ku dhaliili jiray xukuumadda madaxweyne Siillaanyo ku qoray warbaahinta.

Jaamac Cilmi Jiir oo dhawr toddobaad ku xidhnaa saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa, ayaa lagu eedeeyey afgalaado madaxda Qaranka ah, waxaanay maxkamaddu ku xukuntay lix bilood oo xadhig ah iyo lix boqol oo kun oo Shilling Somaliland oo u dhiganta $84 dollarka Maraykanka ah.

Muwaadinkan la xukumay ayaa malcaamad Quraan  ku leh magaaladda Hargeysa, waxaanu inta badan Ra’yigiisa  ku cabiraa maqaaalo uu warbaahinta ku qoro, haseyeeshee waa markii ugu horaysay ee maqaal uu qoray lagu xidhay, isla markaana maxkamaddi xadhig iyo ganaax ku wada xukuntay.

Ururrada xuquuqul insaanka Somaliland iyo ururadda warbaahinta, ayaa si weyn u cambaareeyey xadhiga muwaadinkaasi, waxaanay madaxweynaha ka codsadeen in xoriyadiisa usoo celiyo.

Ururrada saxaafadda ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay cabudhin iyo cago juglayn ku hayso wariyeyaasha iyo muwaadiniinta ra’yigoodda cabiraya, waxaanay talaabadani tahay tii labaad ee lagu xukumo muwaadin muddo bil gudaheed ah, iyadoo toddobaadyo ka hor maxkamaddu ay xadhig hal sanno ah iyo ganaax ku xukuntay wadaad dhaliilo usoo jeediyey xukuumadda oo la yidhaa Sheekh Maxamuud Geellle.

Sidoo kale, waxa jira wariyeyaal lagu kala xidhay Magaaladda Berbera iyo Gabiley, inkastoo markii dambe la siidaayey, haseyeeshee xadhigooga ayaa la sheegay in loo maray qaab aan sharcigu banayn.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland