4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2013
Kooxo Hubeysan oo Weerar isugu jira Ismiidaamin iyo mid Toos ah ku qaaday Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir

Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — In ka badan 10-qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen weerarro isugu jiray toos iyo ismiidaamin oo maanta lagu qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir, halkaasoo ay ka socotay dacwad lagu qaaday dad eedeysanayaal ah.

Weerarrada ismiidaaminta ah ayaa waxaa fuliyay laba nin oo waxyaabaha qarxa isku soo xiray iyadoo weerar kale oo ismiidaamin ahna lagu fuliyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiya, intaas kaddib waxaa dhacay weerar toos ah oo dhexmaray kooxo hubeysan iyo ciidamadii ilaalada ka ahaa xarunta.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkayeen qiiq fara badan oo baxaya gudaha xarunta maxkamadda gobolka, waxaana garsoorayaasha iyo xubno ka tirsan shaqaalaha maxkamadda gobolka ay ku xiran yihiin xafiisyadooda.

Xarunta maamulka gobolka ayaa waxaa la wareegay gacan ku haynteeda xoogaggii hubeysnaa ee soo weeraray, iyadoo halkaas ay ku joogsadeen howlihii maxkamadda ka socday.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaan weli ka hadlin dhacdadan oo noqnaysa tii ugu horreysay oo ka dhacda Muqdisho iyo markii Al-shabaab ay isaga baxeen degmooyinka magaalada Muqdisho laba sano ka hor.

Dhismaha maxkamadda oo ka koobay dabaqyo is-dul-saaran ayaa waxaa ku jira xoogaggii weeraray, iyadoo halkaas ay gaareen gadiidka gaashaaman ee ay wataan ciidamada AMISOM, iyadoo rasaas aad u xoog badan weli laga maqlayo xarunta maxkamadda.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa hadda 10-ka qof ee la sheegay inay dhinteen waxaa ku jira labadii qof ee sameeyay ismiidaaminta, iyadoo dhaawacyo badan la gaarsiiyay isbitaallada Muqdisho.

Wararkii kusoo kordha weerarkaan waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya