4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigii kala Qayb-galay shirkii Turkiga oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii kala qaybgalay shirkii Turkiga oo isugu jiray wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda ayaa dib ugu soo laabtay saakay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si kooban uga hadlay shirka iyo qodobbadii kasoo baxay, wuxuuna sheegay in ay ku faraxsan yihiin in shirka uu sii socon doono, lagana soo saaray qodobbo wax ku ool ah.

“Shirka wuu sii soconayaa oo 90 maalmood kaddib ayaa la isugu tagayaan Turkiga, runtiina shirkan meel wanaagsan ayaa la keenay, waxaana rajo ka qabnaa in intaan la isaga soo dhawaan doono,” ayuu yiri Guuleed oo intaas ku daray in dhankooda ay ku faraxsan yihiin qodobbadii kasoo baxay shirka.

C/kariin Guuleed ayaa dhinaca dowladda Soomaaliya u saxiixay heshiiska iskaashi ee ka koobnaa toddobada qodob, iyadoo dhinaca Somaliland uu u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda, Maxamed Cabdullaahi Cumar.

Inkastoo heshiiska lasoo dhaweeyay haddana waxaa jir qodobbo ay dadku si aad ugu wareersan yihiin kuwaasoo ay ka mid yihiin tababarrada ciidamada iyo wadaagga dhaqaalaha dibadda laga helo.

Shacabka Soomaaliyeed qaarkood ayaa rumeysan in tani ay caddeyn u tahay in midnimada Soomaaliya ay aad u soo dhawaatay halka kuwo kalena ay u arkaan inay tahay sad-bursi ay sameynayso Somaliland maadaama ay dowladda Soomaaliya aqoonsi ka heshay caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo intii uu ku sugnaa Turkiga ka hadlay sida uu u arko heshiiska ayaa sheegay inuu yahay mid wanaagsan ayna intii hore isaga soo dhawaadeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo ku dhawaaqay gooni-isu-taaggiisa 20-sano ka hor.

Wadahadalladan ayaa waxaa gar-wadeen ka ahayd dowladda Turkiga, iyadoo madaxda Turkiga ay iyaguna muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin heshiiska hordhaca ah ee ay gaareen hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayna intan isaga sii dhawaan karaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya