4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2013
SIILAANYO: “Somaliland kama laabanayso Moqifkeeda gooni-isu-taaga, balse diyaar ayaan u nahay wax wada-qabsi”

Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in heshiiskii ay isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala la saxiixday uu nuxukiisu ahaa sidii ay labada dal uga wadashaqeyn lahaayeen danahooda.

Heshiiskan ayaa wuxuu dhigayay in dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ay kawada shaqeeyaan dhinaca ammaanka, la dagaalanka burcadbadeedda iyo Al-shabaab iyo weliba inay wadaagaan deeqaha dibadaha ka imaanaya.

“Heshiiska aan saxiixnay nuxurkiisu wuxuu ahaa sidii looga wada-shaqeyn lahaa danta iyo maslaxadda labada dal,” ayuu yiri Siilaanyo oo u waramayay idaacadda VOA-da isago intaas ku daray in Somaliland aanay marnaba ka laaban doonin go’aankeeda ku saabsan gooni-isku-taagga.

Su’aal ahayd qaabka deeqaha loo wadaagayo iyo sida ammaanka ay labada dhinac u wada-sugayaan ayuu kaga jawaabay: “Sidii markii hore looga wada-shaqeyn jiray ayaa looga shaqeynayaa, waxaana laga hortagayaa wax walba oo dhibaato u keenaya sida burcadbadeedda iyo in wadahadallada lasii wado iyo in wax walba oo dhibaato ku keenaya gobolka la iska ilaaliyo.”

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay inay hesho aqoonsi caalami ah, isagoo sheegay in kulammada ay la yeelanayaan dowladda Soomaaliya ay tahay si ay caalamka u tusaan sida ay diyaarka ugu yihiin inay mandiqadda nabad kula noolaadaan.

“Caalamka ayaa ogaanaya mowqifka Somoaliland ka taagan tahay gooni-isku-taageedda oo aan laga laabanayn ayna ku adag tahay inay madax-banaanideeda hesho, balse ay diyaar ayaan u nahay wax wadaqabsi iyo wixii labada dal dan u ah,” ayuu Siilaanyo kaga jawaabay su’aal ahayd faa’iidada Somaliland ugu jirta wadahadallada mar haddii aan laga hadlin gooni-isku-taaggooda.

Dhanka kale, guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay inay hesho aqoonsi caalami ah, isagoo sheegay inaysan dhici doonin in dib ay ula midoobaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya