4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 13, 2013
XASAN SHEEKH: “Aniga iyo Madaxweynaha Waxaan kawada Hadalnay Arrimo badan oo dani ugu jirto Shacabka Soomaaliyeed”

Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay idaacadda VOA-da markii lasoo gabgabeeyay shirkii uu la yeeshay madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha Somaliland aysan shirka aysan uga hadlin oo keliya siyaasad, balse ay uga hadleen waxyaabo ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inay isaga soo dhawaadeen halkii ay horay u kala joogeen, isagoo rajo weyn ka muujiyay in shirarka soo socda ee dhexmaraya isaga iyo Siilaanyo ay kasoo bixi doonaan qodobbo aad uga wanaagsan kuwa kasoo baxay shirkan.

“Aniga iyo madaxweynaha amuuro aad u badan oo ku saabsan mustaqbalka dadka Soomaaliyeed ee ku nool geeska Afrika, gaar ahaan dalka Soomaaliya ayaan isugu nimid aad iyo aad ayaana uga wadahadalnay. Dhibaatooyin badan iyo duruufo horay u dhacayna way jiraan kuwo hadda taagan oo siyaasad iyo wax kale lehna way jiraan. Dadka waa dad walaalo ah masaaxil ayaana ka dhexeeya; khataro badan oo soo wajahaya oo ay tahay inay si wadajir ah uga gaashaantaanna way jiraan. Arrimaha aan kawada hadalnay siyaasad oo keliya ma ahayn dhaqaale ayay lahaayeen, amni ayay lahaayeen, meel fiican ayaana wax soo gaarsiinnay wax badanna way dhiman yihiin; arrimaha taaganna ma ahan kuwo si sahal ah lagu dhameyn karo, laakiin meeshii aan awal joognay waan isaga soo dhawaannay,” ayuu yiri madaxweynaha Somalia oo sharraxayay kulankii uu maanta la yeeshay Siilaanyo.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in wadahadallada iyo wada-xaajoodyadu ay sii socon doonaan, isagoo xusay in waxyaabaha dhiman laga gaari doono heshiis buuxa, wuxuuse ka gaabsaday inuu sharrxaad ka bixiyo qodobbadii la isku mari waayay ee shirka lagu soo qaaday.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd in qodobbadii siyaasadda ee la isku mari waayay ay dib u dhigteen, ayuu kaga jawaabay arrintu inaysan ahayn mid siyaasadeed oo keliya balse ay ka hadlee waxyaabaha ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed oo dhan, wuxuuna xusay in taasi ay caddeynayso inaysan ahayn rag siyaasad oo keliya isku haya, balse ay ka fikirayaan waxyaabaha sida tooska ah u taabanaya noloshada guud ee shacabka Soomaaliyeed.

“Ujeeddadeena ugu weyn ee shirkan aan diiradda ku saaray waxay ahayd sidii ay gabadha Soomaaliyeed ee ariga ku raacaysa meel ka mid ah Somaliland ama Koonfurta Soomaaliya u heli lahayd caafimaad iyo meel ay ku dhaqso, sidoo kalena shacabka looga difaaci lahaa dhibaatooyinka ay Al-shabaab ku hayso,” ayuu yiri madaxweynaha oo sharraxayay waxyaabihii ugu badnaa ee ay xoogga ku saareen shirkooda isaga iyo Siilaanyo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gabagabadii sharraxaad ka bixiyay qodob ka mid ah qodobbadii lagu heshiisyay oo ku saabsan wadaagga deeqaha, isagoo sheegay inaysan jirin wax diidaya in dadka ku nool Somaliland ay qaybtooda ka helaan deeqaha ay Soomaaliya hesho.

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka golaha wakiillada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax oo isaguna la hadlay VOA-da ayaa sheegay in Somaliland ay ka horjeestay inay gor-gortan ka gasho madaxbanaanideeda, balse wuxuu sheegay in wadahadalladu ay ahaayeen kuwo wanaagsan oo ay kasoo baxeen qodobbo wax ku nool ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya