4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 13, 2013
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo Heshiis Iskaashi ku kala saxiixday Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga

Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa heshiis iskaashi ku kala saxiixday magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, kaddib wadahadallo saacado qaatay oo ay maanta ku yeesheen halkaas.

Heshiiskan oo ka kooban toddoba qodob ayaa waxaa ka mid ah in Soomaaliya iyo Somaliland ay wadaagaan deeqaha dibadda laga helo iyo inay kawada shaqeeyaan ammaanka deegaaannada ay ay ka kala taliyaan.

Qodobbada lagu heshiiyay ayaa waxay kala ahaayeen:

  1. In lasii wado wadahadallada u dhexeeya labada dhinac
  2. In qodobbadii kasoo baxya shirarkii London iyo Dubai ee horay loo gaaray la dhowro
  3. Inay sii socdaan wadahadallada u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Somaliland, beesha calaamku ay ka taageerto dhinaca fududeynta haddii loo baado.
  4. In labada dhinac ay wadaagaan deeqaha caalamka laga helo, gaar ahaan kuwa ay Soomaaliya hesho iyo in la dhiirrigeliyo horumarinta Somaliland. 
  5. In si wadajir ay dhinacyadu uga shaqeeyaan sugidda ammaanka, tababarrada, dagaalka lagula jiro argagaxisada, is-dhaafsiga xogaha, la dagaalanka burcadbadeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah, ka hortagga sunta lagu shubo badaha, dambiyada badaha ka dhaca iyo dambiyada waaweyn.
  6. In saddex bilood gudahood lagu qabto Istanbuul shir kale oo lagu dhameystirayo qodobbadii la isku afgaran waayay intii uu shirku socday.
  7. In labada dhinac ay joojiyaan hadallada xanafta leh ee wax u dhimi kara qodobbadan lagu heshiiyay iyo sii socoshada wadahadallada.

Heshiiskan oo lagu saxiixay madaxtooyada dalka Turkiga ayaa waxaa dhinaca dowladda Soomaaliya u saxiisay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, iyadoo dhinac Somaliland uu u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda, Maxamed Cabdullaahi Cumar.

Intii uu shirku socday ayaa waxaa labada dhinac ay isku mari waayeen dhowr qodob, kuwaasoo aan la shaacin, waxaase warar hoos ay sheegayaan in qodobbadaas ay ka mid ahaayeen midnimada Soomaaliya oo ay Somaliland kasoo horjeesatay.

Saxiixa heshiiskan iskaashi ee ay wada gaareen Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, madaxweynaha dalka Turkiga, Cabdalla Gul iyo wasiirka arrimaha dibadda dalkaas, Axmed Da'ud Oogle oo isagu si gaar ah goobjoog uga ahaa wadahadallada labada madaxweyne.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya