4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 13, 2013
Carruur walaalo ahaa oo Cudur aan la aqoosan ugu Geeriyooday Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal oo ka tirsan Puntland

Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Saddex cunug oo walaalo ah ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay cudur aan la garaneyn ugu geeriyoodey degmada Eyl ee gobolka Nugaal. Carruurtan oo muddo saacado ah kala danbeeyay waxay midka u weyn da'diisu ahayd shan sano.

Saraakiisha caafimaadka ee degmada Eyl, oo iyagu dadaal badan ku bixiyey sidii ay carruurtaas u dabiibi lahaayeen, ayaa sheegay in aysan ilaa iyo hadda aqoonsan nooca cudurka sababay geeridooda.

Drs. Khadiidjo Cabdi Xuseen oo ah dhakhtarkii ugu horeeyey ee saddexdaas bukaan lasoo gaarsiiyey, ayaa tilmaantay in markii loo keenay ay xaaladoodu ahayd mid aad u liidata, islamarkaana ay afka ka aburinayeen.

“Caruurta yaryar waxaa laysoo gaarsiiyey makhribkii, gabadhii haysey markaaan wareystay waxay ii sheegtay in ay iyagaoo qandheysan soo tooseen, mid kamid ahi xiligaas aadayey u liidatey, waxyar kaddib ayeyna dhimatay, labada kalena saacado ayey ka danbeeyeen” Drs Khadiijo Cabdi Xuseen ayaa tiri.

Jamiilo Siidow Cabdi, oo ah hooyada caruurta geeriyootey dhashay, xiliganna ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, ayaa iyada oo murugeysan – mar ay warbaahinta la hadleysey- sheegtay in caruurteedu markii ugu danbeysey ay aad u caafimaad qabeen.

“Curuurtaydu way caafimaad qabeen, waa lagu soo boodey, qandho yar ayaa qabatay, kaddib neefta ayaa ku dhegtay, dhakhaatiirtu way dadaaleen, laakiin melegga lama celin karo!” hooyo Jamiilo Siidow Cabdi ayaa sidaas tiri.

Bilo kahor ayey ahayd markii ugu horeysey ee uu cudurka Duumadu ka dillaacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, cudurkaas oo galaaftay nolosha in kabadan 10 qof boqollaal kalena ay la jiifsadeen.

Saraakiil ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee Puntland oo shabakadda HOL ay xiriir la sameysay ayaa ka gaabsaday in ay arintan ka hadlaan, waxayna sheegeen in dhowaan kooxo caafimaad loo diri doono degmada Eyl iyo deegaanada hoos taga.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya