4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 13, 2013
Wadahadallo u dhexeeya Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo ka socda Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga

Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Kulan ay dhexdhexaadiye ka tahay dowladda Turkiga oo u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Max’uud iyo madaxweynaha Somailland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka furmay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga.

Shirkan oo ka socda xafiiska wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Ahmed Davutogle, waxanaa madaxweyne ay oo ay hareerahooda fadhiyeen xubno ka tirsan xukuumadahooda ay muujiyeen niyad wanaag iyo inay guul ka gaari karaan wadahadallada.

Wadahadlaladan ayaa waxaa lagu wadaa inay labada dhinac kusii amba-qaadaan kulammadii horay u billowday, inkastoo ay labada dhinac mowqifyo kala fog kala taagan yihiin, gaar ahaan gooshashada Somaliland ay horay ugu dhawaaqday.

Madaxweynayaasha ayaa waxaa lagu wadaa inay marka ay kulankooda soo gabgabeeyaan ay siyaabo kala duwan ula kulmaan madaxda dalka Turkiga sida madaxweynaha iyo ra’iisul waasaraha dalkaas.

Dowladda Turkiga ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay meesha ka saarto kala fikir duwanaashaha u dhexeysa madaxda Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo tani ay qayb ka tahay dadaallo ay caalamka oo dhan ku doonayaan in la soo celiyo midnimadii Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka waxaa goobjoog ka ah guddoomiyeyaasha murcaaradka xisbiyada Somaliland, iyadoo la sheegayo in labada dhinac ay aad isugu soo dhawaadeeen, laguna wado in galabta lagas oo saaro qodobbo muhiim ah oo ay labada dhianc isku af-garteen.

Kulankan ayaa wuxuu gabo-gabo u yahay kulammo ay labadii maalmood ee lasoo dhaafay lahaayeen wasiirro iyo xubno ka socday dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaasoo laga soo saaray qodobbo ay labada madaxweyne kawada hadlayaan maanta.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe haddii ALLE ogolaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraaan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya