4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 13, 2013
Ciidammo Tababar loosoo xiray oo Dhoollatus Milateri ka Sameeyay Degmada Baladweyne ee Gobollka Hiiraan (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo, saraakiisha ciidamada maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb-gallay tababar loo soo xirray boqolaal askari oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka kuwaasoo mudo sadax bilood ah tababar uga socday magaalada Baladweyne.

Ciidamada oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa soo bandhigay sida ay uga faa’ideysteen tababarka, waxaana ka mid ahaa ''Sida looga hor tago falalka deg deg ah amniga qatarta ku ah ''Habka ay ciidamadu wada xiriiraan waqtiyada ay jiraan howl-gallada ' Ffulinta howl-gallada qorsheysan ee sida gaarka ah looga fulliyo goobaha la tuhusan yahay'' Iyo is difaaca nafsiga ah oo ka mid ahaa wax yaabihii la baray ciidamada.

Mas’uuliyiinta maamulka ee ka qeyb-gashay munaasabada dhooltuska ayaa siweyn ugu riyaaqay tababarka ay qabaan ciidamada oo sida ay sheegeen ah mid wax weyn ka taraya sugida amniga iyo ka hor taga falalka qorsheysan ee nabad-galyada ka dhan-ka ah.

Talliyaha ciidamada maamulka gobollka Hiiraan Towane Axmed Gureey oo ka hadllay munaasabada ayaa sheegay in aysan aheyn munaasabadan tii ugu horeysay oo loo qabto ciidamo tababar loo soo xiray, laakiin waxaa uu sheegay in ay uga duwan tahay munaasabadan kuwii ka horeeyay iyada oo ku soo beegantay xilli loo dabaal-dagayo 53 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa sheegay in maamulka uu guddoomiyaha ka yahay ka go’an tahay in ay dib u dhis ku sameeyaan ciidamada maamulka gobollka, waxaana uu ballan-qaaday in loo dhameystiri doono dhamaan wixii agab ah oo ay ciidamadu u baahan yihiin.

“Ma’aha oo kaliya in ciidamada loogu tagalay wax ka qabashada amniga magaalada Baladweyne, laakiin qorshuhu waxaa uu yahay in awooda maamulka ku baahino guud ahaan gobollka, sidaa daradeed waxaa naga go’an in aan dhisno tayada ciidamada si ay ugu filnaadaan amniga guud ahaan gobollka Hiiraan,’’ ayuu yiri Cabdi Faarax Laqanyo.

Sidoo kale, Col. Cismaan Dubad taliyaha ciidamada Jabuuti ee gobollka Hiiraan ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay in boqolaal askari oo bartay sugida amniga  loo soo xiro tababar, isaga oo sheegay in ay siweyn isaga xil saari doonaan sare u qaadista aqoonta ciidamada.

Ciidamada tababar loogu soo xirray magaalada Baladweyne, ayaa ku biiraya boqolaal ciidamo ah oo bilihii aynu soo dhaafnay sidan oo kale tababar u dhameystay kuwaasoo hadda qeyb weyn ka qadanaya sugida amniga magaalada.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya