4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2013
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Wafdi uu Hoggaaminayay oo maanta gaaray Xarunta Turkiga ee Ankara


Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay magaaladda Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Madaxweynaha iyo weftigii ayaa waxa madaarka ku soo dhoweeyey saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dawladda Turkiga oo dhex dhexaadin ka wadda Soomaaliya iyo Somaliland.

Haseyeeshee waxa madaxweynaha ka sii horeeyey xubno wasiiro iyo xisbiyadda mucaaradka iskugu jira oo sii diyaarinayey ajandayaasha qodobada laga wada hadli doono.

Sidoo kale, waxa isaguna maanta Turkiga u anbobaxay madaxweynaha fadaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefti uu hogaaminayo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland