4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2013
Taliyaha Ciidamada Millatariga Somaliland oo sheegay in Ciidammo Maamulka Khaatumo kasoo goostay ay kusoo biireen

Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada Militariga Somaliland Gen: Ismaaciil Shaqalle ayaa sheegay in ciidamo gaadiid tikniko wata  ka soo goosteen maamulka Khaatumo, kuwaas oo ku soo biiray ciidamadda Somaliland.

“Waxaa shalay galab kasoo goostay kooxda nabad diidka ah ciidan watay hal gaadhi oo tikniko ah oo ay saaran yihiin 14 askari, ka dib markii ay ogaadeen in aanay kooxdaasi waxba u haynin ummadana halaag iyo baaba u horseedayaan ayey ku soo biireen fadhiisiinka ciidanka militariga ee aaga Ganbadha”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay taliska guud ee ciidanka Militariga Somaliland oo ka hadlay ciidankaasi ku soo biiray, waxaanu taliyuhu sheegay inay si fiican usoo dhoweeyeen.

Taliyeyaasha fadhiisinka Gambadha ee gobolka Sool, ayaa soo dhoweeyey ciidankan, isla markaana sheegay inay ka mid noqon doonaan ciidanka Militariga Somaliland.

Dhinaca kale, wali ilaa hadda kama ay hadal khaatumo ciidankaas ka soo goostay iyo sababta uga yimaadeentoonna.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland