4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2013
Koob loo dhigay Kooxo ka Gal-Mudug, Puntland, Ximin iyo Xeeb iyo Ahlusunna oo Maanta ka furmay Magaalada Gaalkacayo


Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maanta ka furmaya tartan kubadda cagta ah, kaasoo ay ka qayb gelayaan xulal ka kala yimid gobollada dhexe ee dalka, islamarkaana kala metelaya maamullada Gal-mudug, Puntland, Ximin iyo Xeeb; iyo Ahlu-sunna.

Tartankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey islamarkaana martigelinaya maamulka Puntland, waxaana Agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada ee Puntland Axmed Xasan Bille - oo HOL khadka telefonka kula hadlay - uu sheegay in ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay sidii isdhexgalka bulshada loo xoojin lahaa.

Agaasimaha ayaa intaas raaciyey in tartankani uu yahay kii ugu horeeyey ee noociisa ah, iyadoo fikradanina ay tahay mid ka timid wasaaradda ciyaaraha ee Puntland, kaddib markii la ogaadey kaalinta ay ciyaaruhu ka qaadan karaan xallinta khilaafaadka iyo isdhex galka bulshada.

Tartankan oo loogu magac daray “ Koobka Nabadda iyo Isdhexgalka Bulshada”, waxaa sida uu agaasimuhu sheegay iska kaashanaya maamulka Puntland iyo hay’adda qaramada midoobey u qaabilsan horumarinta ee UNDP.

Dhowaan ayaa la filayaa in xarunta maamulka Puntland ee Garoowe uu ka bilowdo horyaalka naadiyada gobollada Puntland, tartankaas oo sanadkii lasoo dhaafay uu ku guuleystey gobolka caasimaddu ku taal ee Nugaal.

Saddex sano kahor ayey ahayd markii ugu horeysey ee Puntland lagu qabto ciyaaraha gobollada dalka Soomaaliya, ciyaarahaas oo ay wareegooda kama danbeysta ah isugu soo hareen gobolada Bari iyo Banaadir, guushuna ay raacday gobolka Banaadir.

Koobka maanta uga furmaya magaalada Gaalkacayo xulalka kubadda cagta ee kala metelaya maamullada Gal-mudug, Ximin iyo Xeeb, Puntland,  iyo Ahlu-Sunna, ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah, waxaana si weyn usoo dhoweeyey bahda isboortiska.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya