4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2013
Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada oo ka Da’ay Kismaayo [Sawirro]

Khamiis, April 11, 2013(HOL) :- Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay magaalada Kismaayo ay ka jireen kuleylo aad u daran ayaa xalay saqdii dhexe waxaa magaalada ka da’ay roobab aad u xooggan oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Roobabkan oo ah kuwa xilliga gu’ga ayaa bilowday xalay saqdii dhexe waxayna socdeen ilaa saaka aroortii, waxaana roobabkani ay biyo dhigeen qaar kamid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaaayo ayaa si diiran usoo dhaweeyay roobabka ka curtay magaalada xilli cimilada magaalada Kismaayo ay maalmihii u danbeeyay ahayd mid aad u kulul.

Roobabkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeesheen isticmaalka qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Kismaayo, waxaana ay gabi ahaanba jareen wadada dheer ee  laamiga  ah ee marta agagaarka guriga gobolka ee magaalada Kismaayo.

Gadiidka ayaa isticmaalaya wadooyin wareeg ah oo dhexmara xaafadaha magaalada, maadaama ay biyaha roobka ay dhex caygaagaan wadada dheer ee laamiga ah taasoo ay isticmaali jireen gaadiid isaga kala goosha xaafadaha magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale roobabkan ayaa saameyn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah eek u dhaqan magaalada Kismaayo, kuwaasoo markii horeba ku noolaa guryo ka sameysan cooshado, kuwaasoo aan awood u lahayn in ay iska difaacaan dhibicda roobka.

Roobabkani ka curtay Kismaayo ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu gudo jiro bishii 1-aad ee xilliga Gu’ga oo ah xilli roobeed  ay siweyn uga faa’iideystaan beeraleeyda Soomaaliyeed ee iyagu tabcada dalagyada kala duwan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Sooomaaliya.