4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2013
Xukuumadda Somaliland oo Hakisay Tirakoobkii Shacabka ku Nool Somaliland & Shuruud lagu xiray sii socoshadiisa

Khamiis, Abriil 11, 2013 (HOL) — Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta Somaliland, Dr:Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay hakiyeen sahamin tiradda dadka lagu ogaanayey oo ay samaynaysay Hay’ada qaramada midoobay uqaabilsan tirokoobka dadka ka dib markii ay hay’adaasi soo saartay in dadka ku nool Puntland ay ka badan yihiin Somaliland.

Wasiirku ayaa sheegay in somaliland la tirinayey guryaha, halka Puntland la tirinayey qoyskaasi, taasna uu faraq ka soo baxay, isla markaana hay’addii hawsha wadan ka ogolaatay in dib loo eeggo xogtaasi inta aan wejiga labaaad loo gudbin.

“Waxaanu hay’adaha ka codsanay inay naga caawiyaan xaga xogta, waxaana hay’adda UNFPA oo ka mid ah hay’adaha Qaramadda midoobay u qaabilsan tiradda dadka, ayaanu ka helnay balanqaad inay naga caawiyaan sidii dadkeena tiradiisa u ogaan lahayn”ayuu yidhi wasiirku isagoo ka hadlaya qaabka ay hawshan ku bilaabantay.

“Wuxuu ahaa sahan laga mala awaalayo tiradda dadka, waxaanay ka hawlgaliyeen Somaliland, Putland iyo Soomaaliya, waxaanay ahaayeen saddex kooxood oo loo tobabaray sahamintaasi, qaybtii Somaliland ka hawlgashay waxay bilaabeen xog ku saabsan guryaha ay degan yihiin dadku, magaalo walba way maraan, qoladii loo tobabaray Puntland ee wajiga hore halkii guryaha laga ururiyey ayey qoysaskii ururiyeen, waxay noqdeen xog aan la is barbar dhigi karin, qolo waxay tirisay guryaha la degan yahay qolana qoysaska”ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray “ waxa soo baxay xogtaasi tiro sheegaysa dadka ku nool Boosaaso in laga mala awaali karo inay leeg tahay dadka Hargeysa ku nool, ta Kaalkacyana Burco,  Garoowena la barbardhigay Boorame, waxaanu soo qaadanay map-ka Google, wayna is waafaqi waayeen xogtii aanu haynay iyo xogtii noo soo baxday, waxaana ka codsanay hubin rasmi ah inta aan la gaadhin wajiga labaad, iyaguna way naga ogolaadeen”

Wasiirku isagoo hadalkiisa wada wuxuu yidhi “wejigii labaad ee wax lagu tirinayey lama gaadhin ee waa wejigii hore ee diyaarinta  waana hakinay ilaa laba shuruudood buuxiyaan, in qiimeyn madax banaan lagu sameeyo sidii wax loo qaaday, waayo wixi ka soo baxay maaha wax na qanciyey oo aqliga galikarta iyo in jiilaalka dambe la gaadhayo dadka miyiga ku nool la tirin karin, maadaama oo ceelasha jiilaalka ku soo noqonayaan reer Miyiga ”.

Si kastaba ha ahaatee, sahaminta ayaa hay’ada Qaramaadda midoobay u qaabilsan tiradda dadka ka waday gabi ahaan dhulkii la isku odhan jiray Soomaaliya, taas oo lagu ogaan karo deegaan walba tiradda dadka ku nool, haseyeeshee  natiijaddan hordhaca ah ee la is barbardhigayo ayaa dadweynaha Somaliland ka cadhaysiiyey, kuna eedeeyeen hay’adii xogta ururinaysay inay  Somaliland khiyaamaysay.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland