4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2013
Laba Qof oo ku Geeriyooday Is-rasaaseyn Dhexmartay Ciidamada Ammaanka Magaalada Burco iyo koox dablay ah

Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Laba qof ayaa ku dhintay, is rasaasayn ka dhacday duleedka koonfur galbeed ee deegaanka Kaba dheere ee magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

Israsaasayntan ayaa dhexmartay ciidanka Booliska iyo dablay hubaysan, ka dib markii wefti uu hogaaminayey wasiirka Xanaanadda Xoolaha ay ka yimaadeen mashruuc xoolaha lagu xanaanaynayo oo laga hirgaliyey duleedka magaaladda Burco, waxaana markii ay mashruucaasi soo dhagax dhigeen, iska hor yimaadeen saddex in oo hubaysan, kuwaas oo ciidankii weftiga la socdayna isku dayeen inay soo qabtaan ragaasi, haseyeeshee saddexdii nin ayaa is difaacay, isla markaana waxa halkaasi ku geeriyooday Askari iyo mid ka mid ah kooxdii dablayda ahayd, halka midna maxbuus ahaan loo soo qabtay, midna baxsaday.

Illaa hadda si rasmi ah looma sheegin sababta ciidanka iyo dablaydaasi iskaga hor yimaadaan, haseyeeshee waxay wararka qaar sheegayaan in beertan xoolaha lagu dhaqaalaynayo uu khilaaf ka taagnaa oo la isku haystay, inkastoo wasiirka Xanaanadu sheegay in murankaasi hore uga jiray beerta la dhameeyey oo aanay imika hadal ka taagnayn.

Wasiirka Xanaanada xoolaha iyo Badhasaabka gobolka Togdheer iyo taliyaha booliska ayaa ciidanka booliska uga tacsiyadeeyey askarigaasi hawlgalkaasi ku geeriyooday iyo ninka shacabka ee geeriyoodayba , waxaanay sheegeen in la baadhayo waxa ku kalifay inay dablaydaasi ciidanka rasaaseeyaan iyo halka ay hubka u siteen, isla markaana ay ku jirto gacanta hay’adda dambi baadhista.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland