4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2013
Qaramada Midoobay oo sheegtay haween fara badan lagu kufsaday sannadkii hore xeryaha barkacayaaha Muqdisho


Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Kufsiga lagula kaco haweenka ku jira xeryaha barkacayaasha ee ku yaalla Muqdisho ayaa soo kordhaya, iyadoo la sheego in kufsigaas ay intiisa badan geystaan dad xiran direyska ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ergayga gaar ah ee Qaramad Midoobay u qaabilsan xadgudubyada uuka mid yahay kufsiga, Zaynab Hawa Bangura ayaa sheegay inay diiwaan-geliyeen in 1700 oo kufsi ah uu ka dhacay sannadkii hore gudaha Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan ay geysteen ciidamada ammaanka Soomaaliya.

“Qiyaastii 70% kufsiga loo geysto haweenka ku jira xeryaha barakacayaasha waxaa geysta rag hubeysna oo ku labisan ciidamada dowladda, waxaa laga yaabaa inay yihiin maleeshiyooyin, waxaa laga yaabaa inay yihiin booliis, sidoo kalena waxaa laga yabaa inay yihiin milateri,” ayay tiri Bangura.

Gabar la kufsaday lix bilood ka hor ayaa u sheegtay wariye ka tirsan BBC-da in rag hubeysan ay u soo jeexeeneen teendho ay ku noolayd, kaddibna ay kala baxeen halkaas oo ay si xun u kufsadeen.

“Markii gudaha teendhada la ii soo galay waxaa la igu qasbay inaan aamuso, si xun ayaana la ii kufsaday, haddana waxaa i haya xanuun daran oo aan ka dhaxlay kufsigii la ii geystay,” ayay tiri gabadhan oo magaceeda ku sheegtay Ayaan, waxayna intaas ku dartay in markii la kufsaday kaddib la garaacay.

Xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla Muqdisho oo lagu qiyaasay 512 xero ayaa waxaa ku jira dad kasoo barakacay deegaannadii ay ku noolaayeen kaddib markii ay abaaro ka laayeen xoolihii ay dhaqan jireen, kuwaasoo u yimid halkan inay nolol ka helaan, balse waxay kala kulmeen dhibaatooyin ka badan kuwii ay kasoo carareen.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay bishii hore inay baaritaanno ku sameyn doonaan falalka ku saabsan kufsiga ee ka dhaca xeryaha barakacayaasha oo intooda badan lagu eedeeyo inay geystaan ciidamada ammaanka dowladda, isagoo sheegay in askarigii lagu helo iyo sarkaalka la xukumaba su’aalo laga weydiin doono sida ay arrintan ku dhacday.

Dowladda Britain ayaa sheegtay in shirka bisha May ka dhacaya London ay uga dhawaaqi doonto taageero maaliyadeed oo ciidamada Soomaaliya lagu tababari doono, si wax looga qabto xadgudubyada dhinaca bani’aadamka ah ee ka dhaca Soomaaliya.

Ciidamaa dowladda Soomaaliya waxay ka kooban yihiin maleeshiyooyin iyo kooxo aan tababarnayn, kuwaasoo dhallinyaro u bartay awoodda ay ka helayaan qoriga, shaki ayaana ku jira asluubtooda iyo cidda ay daacadda u yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya