4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2013
Somaliland oo sheegtay inay bilaabanayaan Wadahadalkii ay Soomaaliya kula jirtay iyo Turkiga oo Shirkaasi Qabanqaabinaysa

Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in dowladda Turkigu ay qabanayso shir lagu sii ambaqadayo wadahadaladdii horay ugu billowday dowladda Soomaaliya iyo Somaliland kuwaasoo muddo ku jiray hakad.

 Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland  Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar oo mar dhowayd  shirjaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa  shaaciyey in labo toddobaad gudahood  si rasmi ah u bilaabmi doono wadda hadaladdii u socday Somaliland iyo Soomaaliya, taas oo ay marti galinayso dawlada Turkiga.

“Dawladda turkiga ayaa casuumad u fidisay Somaliland iyo Soomaaliya oo ay ku marti qaaday inay wada hadaladdii u bilowday sanadkii hore dib loo bilaabo, marka shirkaasi ay qabanayso Turkigu aad baanu u soo dhoweynaynaa”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka hadlayey shirka loo qabanayo Somaliland iyo Soomaaliya.

“Muddo labadda tododbaad gudahood ayuu shirkaasi dhici doonno oo ay halkaasi laga anbo qaaddi doonaa wada hadaladii hore u dhex maray, iyadoo laga duulayo heshiishyaddii iyo baaqii ay beesha caalamku soo jeediyeen ee arrintaasi ku waajahnaa ”ayuu raaciyey hadalkiisa wasiirku.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in qaabka uu shirku u socon doono ay isla qaadan doonaan labadda dhinac, isla markaana dhowaan ay ku kulmi doonaan dalka Turkiga oo iyadu qabanaysa  shirkaasi.

Si kastaba ha ahaaatee,  shirkan loo qabanayo labadda dhinac ayey xukuumadda Somaliland soo dhoweysay, inkastoo aanay wali shirkaasi ka hadal dawladdda Soomaaliya.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland