4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2013
Baarlamaanka Soomaaliya oo u yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia si wax looga weydiiyo maydad Waddoyinka la dhigay

Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u yeeray wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka si wax looga weydiiyo maydad lasoo dhigay waddooyinka Muqdisho, kuwaasoo la sheegay in laga baxay xabsiyo ku yaalla Muqdisho lana toogtay.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntood Muqdisho ayaa aad uga dooday arrintan; iyagoo sheegay in falkaas uu ahaa mid ka baxsan sharciga, loona baahan yahay in baaritaanno dheeraad ah lagu sameeyo si loo ogaado cidda ka dambeysa.

“Wasiirka arrimaha gudaha waa inuu baarlamaanka ku horyimaado maalinta Axadda ah ee soo socota si arrimahan wax looga weydiiyo,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Mudanayaashii ka hadlay kulankii maanta ee baarlamaanka ayaa sheegay inay baaris ku sameyn doonaan falkaas iyo qaabkii uu u dhacay, waxayna xuseen in ciddii lagu helo dambigaas in cadaaladda la horgeyn doono.

Sidoo kale, waxaa baarista arrintan loo saaray guddi gaar ah, kuwasaoo ku sameyn doona baaritaanno dheeraad sida ay falalkaas ku dhaceen, iyadoo guddigan ay soo gudbin doonaan warbixin kooban ka hor inta aan wasiirka arrimaha gudaha la weydiin su’aalaha arrintan ku saabsan.

Dadkan la dilay ayaa la sheegay inay dilkooda ka dambeeyeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda, iyaguna ay ahaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, iyadoo tani ay buuq badan dhalisay, waxaana arrintan horay uga hadlay golaha wasiirrada Soomaaliya oo lagu wado inay toddobaadkan warbixin kasoo saaraan.

Magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay ahayd mid xasilloon ayaa bartamihii bishii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo lagu dilay dhowr qof oo qaarkood maydadkooda lasoo dhigay waddooyinka Muqdisho qaarkood.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho,Soomaaliya