4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2013
Shirweynihii 12aad ee Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika oo lagu soo gebagebeeyay Gobolka Minnesota (SAWIRRO)


Isniin, September 9, 2013—Waxaa si rasmi ah loogu soo gebagebeeyay Masaajidka Abuu Bakar As-Saddique Islamic Center ee magaalada Minneapolis shirkii 12-aad ee golaha Imaamyada  waqooyiga Ameerica.Shirkan oo  socday 3 maalmood ayaa waxaa ka soo qaybgalay Culumaa’udiin & Guddiyo ka socday 21ka masjid oo ku yaal Goballada dalkan Maraykanka.

 

Shirkan oo ahaa midkii 12aad  ayaa ah mid sanadkiiba mar la qabto, waxaana ujeedadiisa iyo sababtii Ururkan loo aasaasay HOL uga warramay Gudoomiyaha Golaha Fulinta Sh. Cabdullahi Abu Fadli, wuxuuna ku soo koobay hadalkiisa ”Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika waa dalad ay ku kulansanyihiin 21 masaajid oo ku yaalla Maraykanka, waana mid ay ku mideysan yihiin imaamyada Soomaaliyeed waxaana la aasay sanadkii 2000”ayuu yiri Cabdullaahi Abu Fadli oo sababta golaha loo aas-aasay ku sheegay  in la helo Masaajidyo iyo Goobo Islaami ah oo ay dadka wax ku bartaan.

 

”Waxaa kale oo hadafyadii loo aas-aasay ka mid ahaa  Xalinta khilaafaadka jaaliyadda mid guud iyo mid gaar ahba. Ka jawaabidda masaa’isha diiniga ah (Fatawa), Iclaaminta iyo sheegidda soo galida iyo dhamaadka bisha Ramadaan si loo ilaaliyo midnimada umadda”ayuu mar kale yiri Gudoomiyaha Golaha Fulinta Sh. Cabdullahi Abu Fadli oo intaas ku sii daray.

 

 HALKA KA DAAWO SAWIRRO BADAN

”Diyaarinta ducaad {Culimo} si ay jaaliyadda uga haqabtiraan baahida Diimeed, Wacyigalinta dhalinta da’da yar ee qurbaha,si looga ilaaliyo dhaqan xummada  iyo Gaarsiinta Dacwada {Islaamka} Dadyooga kale ee aanan muslimka ahayn”.

 

Waxaa Goobta shirka ku socday Hadallo & warbaxino ku saabsan Qodabadii laga hadlay 3da cisho isla gorfeynayay Culumadda oo dhan oo ay ka dhex muuqdeen Sh. Cabdiraxmaan Sh.Cumar oo ah guddoomiyaha Guddiga ee Ururka, Ku xigeenkiisana uu yahay Sh. Axmed Nuur oo ah imaamka Masjid Abuubakar Seatle Washington, halka la ururka la-taliye loogu doortay Sh. Maxamed Idriis oo ka mida Culumadii Aasaastay Ururkan.

 


Gabagabadii Shirka ayaa waxaa Goobta ka hadlay Xoghaynta Ururka Imaamyada Waqooyiga Ameerica Sheikh Yusuf Abdulle,  wuxuuna ka aqriyay bayaan ay si wadajira ah u soo saareen dhammaan ka soo qaybgalayashii shirka. Bayaanka oo aan ka xusi karno, Alle ka Cabsi & Adaynta Midnimada Umadda,  in lagu dadaalo barashada cilmiga ama manhajka saxda ah, in Soomaalida Qurbaha Joogta lagu dhiirigaliyo siday ugu dheganaadaan diintooda & afkooda, ”Wuxuu bayaanku ugu baqaynaa Umadda Soomaaliyeed in ay wada ilaashadaan Maslaxadda ka dhaxaysa sida Diinta Dalka iyo Dadka, Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Qoysaska qurbaha inay ilaahay ka baqaan guryahana ku dhaqaan sharciga islaamka, iyadoo la fududeeyo guurka, isla markaana aanan shuruudo adag lagu xirin. Dhalinyarada  ayaa loogu baaqay inay ilaahay ka baqaan kuna xirnaadaan culumadda, kana digtoonadaan fikradaha khaldan sida kuwa Alshabaab oo kale.

 

 

Siyaad Saalax, Hiiraan Online

[email protected]

Minnesota, Minneapolis