4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2013
Leyla Qanyare oo ku guuleysatay abaalmarinta qofka ugu muhiimsan sanadka 2013 dalka Switzerland

 Isniin, September 09, 2013 (HOL) - Leyla Qanyare oo ah hooyo Soomaaliyeed oo ku nool dalka Switzerland ayaa ku guuleysatay abaalmarinta “Difaacista xaquuqda aadanaha iyo xorriyadda ee 2013” taas oo ay bixiso hey’adda Freiheit und Menschenrechte ee dalka Switzerland.

Abaalmarintan oo ah mid caalami ah ayaa loo arkay in Leyla ay tahay qofka ugu mihiimsan sanadkan dallka Switzerland ayna u qalanto sharaftan, kaddib markii ay sanado badan caawineysay, isla markaana is fahan ka dhex abuurtay dowladda iyo dadka soo galootiga ah, gaar ah Soomaalida.

 “SI dhaqso ah ayaan u bartay luuqadda Jarmalka, si aan fikiradaha ula wadaado dadka” ayay tiri Leyla oo ku faraxsan magacaabista abaalmarintan. “Haddii Soomaalidu u baahan yihiin qof ay la hadlaan ama caawiya diyaar ayaan u ahay, waayo waan ogahay in dhibaato badan soo wajaheyso qofka soo galootiga ah, madaama uu dalka ku cusub yahay, arrinta ugu muhiimsan ee aan halkan u joogaana waa inaan iyaga u shaqeeyo” ayay raacisay.

“Fursad nololadeed kama heleysid dalkan haddii aadan helin qof kaa caawiya ama kuu sheega sida loogu noolan karo halkan” ayay sharaxday Layla. .Leyla waxay sidoo kale sanadkii 2005 aas-aastay Xarunta Is-dhexgalka bulshooyinka Soomaalida iyo Swezerland (Somali Integration Society of Eastern Switzerland (SIVO), kaas oo ay ku taageerto Soomaalida gudaha iyo weliba dadka ku dhibaateysan dalkii ay ka soo baxday 1991 ee Soomaaliya.

waxayna sidoo kale Layla ay Soomaaliga uga turjuntaa goobaha Caafimaadka, Waxbarashada, xaafiisyada socdaalka, xarumaha ceyrta iyo Booliska.

Abaalmarinta ayaa Layla la guddoonsiin doonaa 5-ta bisha November ee soo socota, waxaana lagu wadaa in xafladda guddoonsiinta biladan ay ka soo qeyb xubno ka socda dowladda iyo ururada bulshada rayidka ah.

Mustaf Bashir Gobdon
 Soomaliswiss Diaspora