4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulammo gaar-gaar ah Maant la yeeshay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Yemen (SAWIRRO)


Isniin, September 09, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa magaalada Sanca ee dalka Yemen kulammo gaar-gaar ah kula yeeshay madaxweynaha Yemen, Cabdu-rabbi Mansuur iyo ra’isul wasaaraha dalkaas, Maxamed Saalim Basanduwa, iyagoo kaga hadlay kulammadooda iskaashi cusub oo dhexmari doona Soomaaliya iyo Yemen oo ay ka dhaxayso taariikh iskaashi, ganacsi iyo mid dhaqan.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka warbixiyay siyaasadda dowladda ee dib u soo celinta amniga, shirka Brussels ee 16-ka September ka furmaya dalka Belgium oo horseedi doona dib-u-dhiska dalka, heshiiskii Addis Ababa ee dowladda Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Jubba dhexmaray iyo wada-hadallada ay dowladdu kula jirto maamulka Somaliland.

“Waxaan ku soconnaa dariiqii aan ku gaarsiin lahayn Somalia inay ka dhacdo doorasho xor ah oo dadweynuhu ay ku xushaan cidda ay u arkaan inay dalka hoggaamin karto iyo hirgalinta dastuur rasmi ah oo Soomaaliya ay yeelato, waxaa sidoo kale aan ku guda jirnaa shirar dib-u-heshiisiineed oo aan isugu furayno quluubta shacabka Soomaaliyeed, dalka Yemen wuxuu ka mid yahay dowladaha aan jecelnahay inay gacan ka gaystaan sidii loo xaqiijin lahaa dhammaan is-bedelladaas aan rabno in dalka ay ka dhacdo,” ayuu ra’iisul wasaare Saacid ku sheegay hadal uu jeediyay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyay dowladda Yemen kaalinta ay ka qaateen soo dhaweynta qoxootiga Soomaaliyeed iyo in la dagaallanka burcad-badeedda, wuxuuna codsaday inay taakulayn u fidiyaan qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen iyo sidii wadajir la isaga kaashan lahaa loogana hortagi lahaa tahriibka

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Yeman ayaa sheegay in labada dal ay ka dhexeeyaan waxyaabo faro badan, muhiimna ay tahay in la adkeeyo xariirka ka dhaxeeya labada waddan.

“Waxaan diyaar u nahay inaan idinka caawino sidii ay Somalia kusoo kaban lahayd maadaama aan wadaagno waxyaabo aad u fara badan isla markaana xiriir dheer uu ka dhaxeeyo Yemen iyo Soomaaliya,” sidaas kulanka ka yiri ra’iiusl wasaaraha Yemen, Maxamed Saalim Basanduwa.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisu waxay kulan gaar ah la qaateen madaxweynaha Yemen, Cabdu-rabbi Mansuur iyadoo labada dhinac ay kawada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo fursadaha muuqda ee dowladda Soomaaliya ay ku tallaabsatay.

Madaxweynaha Yemen ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Soomaaliya u muuqato inay kasoo kabanayso dhibaatooyinkii dalka ka dhacay muddadii dheeraa ee ay colaaduhu ka jireen, isagoo xusay in bulshadda caalamku ay hadda diyaar u tahay sidii ay ku caawin lahaayeen Soomaaliya.

Kulanka kaddib ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisu ay ka qaybgaleen qado sharaf ay u sameeyeen ra’iisul wasaaraha Yemen iyo xubno golihiisa wasiirrada ka tirsan.  Waxaa sidoo kale la filayaa in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ay caawa la kulmaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Yemen.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya