4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2013
Dowladda Norway oo bilowday bixinta Mushaaraadka sadex boqol oo ka mid ah Shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya

Isniin, September 09, 2013 (HOL) — Dowladda Norway ayaa billowday inay bixiso mushaaraadka shaqaalaha dowladda Soomaaliya, iyadoo sheegtay in tani ay tahay jidka ugu wanaagsan oo lagu caawin karo Soomaaliya si uu dib ugu dhismo dalkaas.

Dhaqaalahan ka imaanaya Norway oo ah mid gargaar ah ayaa mushaar ahaan loo siinayaa 380 ruux oo ka mid ah shaqaalaha dowladda Soomaaliya iyadoo lagu bixinayo qalab casri ah oo la dhigay bankiga dhexe ee Somalia.

Mushaar bixintii ugu horreysay ayay dowladda Norway ka sameysay Somalia toddobaadkii lasoo dhaafay, waxaana ka qaybgalay mushaar bixintan qaar ka mid ah saraakiisha wasaaradda maaliyadda, kuwa maamulka iyo hay’ado kala shaqeeya dowladda ka hortagga musuqmaasuqa.

“Waxaan doonayno waa inaan xoojinno hannaanka dhaqaale ee dalka, kaas oo si cad loogu muujin karo miisaaniyadda, waana mid billow u noqno kara awoodeysiga xukuumadda,” ayay tiri wasiiradda horumarinta caalamiga ah ee dalka Norway, Eidsvoll Holmås oo ka hadlaysay qorshahan cusub.

Sannadkii hore ayuu baarlamaanka Somalia u doortay madaxweynaha dalka, Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo hoggaan u noqda dowladda rasmi ah ee hadda ka jirta Soomaaliya  22-sano kaddib. Laakiinse waxaa hoos u dhac weyn weli laga dareemayaa dib u soo kabashada dalka.

“Hay’ado caalami ah ayaa Soomaaliya ka billaabay hirgelinta iskuullo ay wax ku bartaan carruurta Soomaaliyeed, goobo caafimaad oo lacag la’aan ah iyo wax walba oo lagu suurogelin karo in xaaladda dalku ay dib u soo laabato,” ayay tiri Holmås oo intaas ku dartay. “In Soomaaliya laga caawiyo dhismaha hay’adaha dowladda waxay horseed u noqon kartaa in dalka uu ku soo laabto sidiisii hore, taasoo xoojinaysa jirtaanka dowladda rasmiga ah ee dalka ka jirta. Waxaa laga doonayaa dowladda inay la timaado fikirro cusub oo ay ku xoojinayso siyaasadda iyo deggenaashaha dalka.”

Mushaar bixintan ayaa waxaa ka shaqeynaya dhallinyaro Soomaaliyeed oo loo tababaray, waxayna isticmaalayaan qalab casri ah si ay u hubiyaan in lacagta mushaarka ah la siiyay qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha dowladda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya