4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2013
Madaxweynaha Somalia oo xalay kulammo kula yeeshay qaybaha Bulshada Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Isniin, September 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Max'uud oo galinkii danbe ee maalintii shalay gaaray magaalada Beledweyne, ayaa xalay kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Gaar ahaan madaxweynaha  ayaa kulan gaar ah la yeeshay odayaasha dhaqanka isaga oo faah faahin ka siiyay ujeedada socdaalkiisa oo uu ku tilmaamay sidii wax badan uga ogaan lahaa xaalada gobolka , dhinaca kalana uu u dhageysan lahaa aragtida bulshada oo muhiim u ah sida uu hadalka u dhigay qorshe howleedka dowladda federaalka.

Kulanka madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka ayaa lagu soo qaaday dhismaha maamul bulshada ka yimid oo laga hergaliyo gobolka Hiiraan, madaama mas'uuliyiinta dowladdu horay u sheegeen in uu dhamaaday waqtigii maamullada gobollada laga soo magacaabi jiray xarunta madaxtooyada.

Madaxweyne Xassan Sheekh Max'uud ayaa kula dardaarmay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka in ay qaataan doorkooda la xiriira sidii loo dhisi lahaa maamul bulshadu hishiis ku wada tahay, isaga oo ballan-qaaday in dowladdu  la shaqeyn doonto maamul kasta oo ku yimaada hab xulasho ah oo raali lagu wada yahay.

“Waa in waxgaradka iyo odayaasha gobolka kulamo guud iyo kuwa gaar ahba qaataan, kana arinsadaan sidii ay u soo dhisan lahaayeen maamul ay raali ku wada yihiin, dowladdana maamul kasta oo ku dhisma rabitaanka bulshada wey la shaqeyn doontaa,'' ayuu yiri madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale saakay waabarigii hore kula hadllay xerrada Lama-gallay ee magaalada Beledweyne ciidamo ka tirsan xoogga dalka iyo booliiska, isaga oo kula dardaarmay in ay ka qeyb-qaataan xoojinta nabad-galyada, islamarkaana u diyaar-garoobaan sidii qeybaha ka dhiman gobolka loogu baahin lahaa maamulka dowladda.

“Mishaaraadka ciidamada waad og-tihiin waa la meel mariyay, si toos ah ayeeyna u bilaabanayaan haba yaraadaan, laakiiin waxaan idin ballan-qaadayaa in wixii hadda ka danbeeya aad mishaarkiina si toos ah u heli doontaa,'' ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh Max'uud.

Madaxweynaha ayaa siweyn ugu amaanay mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM sida ay isaga xil saareen dhismaha ciidamada, isaga oo sheegay in ay ka war-hayo dufcadihii is xig xigay ee tababarka loogu soo xiray magaalada Beledweyne.

“Maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti waan ugu mahad celinayaa sida ay isaga xil saareen dhismaha ciidamada oo waqtiyo is-xig-xiga tababar loogu soo xiray halka [Beledweyne] ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeytii xerrada Lama-galaay tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan booliiska oo mudo labo bilood ah tababar uga socday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdig madaxweynaha ayaa ugu danbeytii saakay waabarigii hore ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne isaga oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya