4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2013
Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlay Tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka (SAWIRRO)


Isniin, September 09, 2013 (HOL) — Kulankan oo maanta ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saarayay qaabkii loo tayeyn lahaa ciidamada xoogga dalka loona xoojin lahaa wada-shaqeynta wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo sidii loo xoojin ciidamada xoogga dalka.

Kulankana ayaa waxaa kasoo qaybgalay saraakiil sare oo wasaarada difaaca Soomaaliya ka tirsan, kuwo ka socday ciidamada xoogga dalka iyo saraakiil ka socday Midowga Yuurb, Mareykanka, UK, Talyaaniga, Turkiga iyo kuwo kale.

Ugu horreyn waxaa shirka furay ku simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Muuse Cabdulle Maxamuud oo sheegay inay wasaaraddu horumar wanaagsan ka gaartay sidii ay meelo badan oo dalka uga saari lahayd Al-shabaab, isla markaana ay wadashaqeyn leeyihiin taliska milateriga dhinacyada qorsheynta howlgallada, tababarrada iyo istaraatiijiyadda ciidanka, wuxuuna uga mahadceliyay madaxda reer Yurub taageerada ay u fidiyaan ciidamada xoogga dalka isagoo gacmo furan kusoo dhaweeyay tababarka ay Midowga Yurub gudaha Soomaaliya ku siin doonaan ciidamada xoogga dalka.

Taliye ku xigeenka howlgalka tababarrada ee ciidamada Midowga Yurub, Col. Demassi oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay isbedelka muuqda oo ay ku talaabsatay wasaaradda difaaca Soomaaliya iyo sida loo habeeyay taliska ciidamada xoogga, isagoo ballan-qaaday inay wixii hadda ka dambeeyay tababarrada ku bixin doonaan gudaha dalka halkii markii hore ciidamada Soomaaliya lagu soo tababari jiray dibadda dalka.

Saraakiishii ka qaybgashay kulanka ayaa muddo saacado ah dood kulul ka yeeshay qaabka loo sii dar-dar-gelin karo howlgallada iyo istaraatiijiyadda ciidamada xoogga dalka, iyagoo isku raacay in si wadajir ah gacan looga geysto ciribtirka Al-shabaab iyo kooxaha argagaxisada ah.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya