4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2013
Qaar ka mid ah Haweenka ku dhaqan Gobolka Jubbada Hoose oo Taageeray Heshiiskii lagu gaaray Magaalada Addis Ababa

Isniin, September 09, 2013 (HOL) — Kulan ay isugu yimaadeen qaar kamid ah haweenka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayay ku taageereen heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ku dhexmaray magaalada Adisababa iyo weliba booqashadii madaxweeynaha maamulka Jubba ee magaalada Muqdisho.

Haweenkan ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan sida ay u arkaan heshiisyadii dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba, iyagoona labada dhinac ugu baaqay in ay ilaaliyaan qodobadii ay ku heshiiyeen.

“Waxaan taageersannahay heshiiska ay gaareen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, waxaan leenahay madaxweeynaha Soomaaliya magaalada Kismaayo noogu imoow dadka reer Kismaayo wan kusoo dhaweyn doonaan wayna ku jecelyihiin ,” ayay tiri Batraan Max’ed C/dille

Haweenkan ayaa ka ugu baaqay madaxda ugu sareeysa ee Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan sidii la isugu soo dhaweyn lahaa umadda Soomaaliyeed, islamarkaana ay ilaaliyaan dastuurka iyo heshiisyadii ay saxiixeen.

Dhamaan haweenkii madasha ka hadlay ayaa si isku mid ah u taageeray heshiisyada ay gaareen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa jubba, iyagoona sidoo kale uga mahadceliyay madaxweeynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Max’uud dadaallada nabadeed ee uu ka wado dalka.

Kulanka ay maanta isugu yimaadeen haweenkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo magaalada Muqdisho uu ku suganyahay wafdi uu hogaaminayo madaxweeynaha maamulka jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya