4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2013
Hoggaamiyeyaal ka Tirsan kuwa Al-shabaab oo lagu daray Hoggaamiyeyaal Qalqal Amni ku haya Caalamka oo dhan

Isniin, September 09, 2013 (HOL) —Mareykanka ayaa ku daray saraakiisha Al-shabaab hoggaamiyeyaal qalqal dhinaca ammaanka ah ku haya dunida, iyadoo liiskan lagu sheegay magacyada afar hoggaamiye oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Hoggaamiyeyaasha Al-shabaab ee liiskan lagu daray ayaa waxaa ka mid ah amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaan Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr, Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur iyo Sheekh Xuseen Cali Fiidoow.

Warbixinta Mareykanka ayaa lagu sheegay in hoggaamiyaha Al-shabaab uu xudun u yahay aasaaska kooxda, sidoo kalena ay hoosyimaadaan 6,000 oo dagaalyahan, uuna aad ula dhacsan yahay fikradaha Al-shabaab.

Sheekh Abuu-Mansuur ayaa warbixinta lagu sheegay inuu ahaa xubnihii ka dambeeyay aasaaska Al-shabaab uuna tababar kusoo qaatay Afgaanistaan, sidoo kalena uu si aad ah ula dhacsan yahay dagaalka ay Al-shabaab waddo isagoo rumeysan inuu yahay mid jihaad ah.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf uu yahay hoggaamiye dhinaca dacwada u qaabilsan Al-shabaab oo ka soo tagay dalka Sweden sannadkii 2004, halkaasoo uu ka ahaa muddo dheer imaam masjid.

Sidoo kale, warbixinta waxaa lagu sheegay in Sheekh Xuseen Cali Fiidoow uu yahay ninka u qaabilsan Al-shabaab dhinaca isku xirka gobollada dalka, isla markaana uu qayb weyn ka qaato dagaallada ay Al-shabaab ku jirto.

Mareykanka ayaa horay malaayiin doollar ku xiray helista xogta iyo halka ay ku sugan yihiin: Sheekh Fu’aad Shangole, Sheekh Abuu-Mansuur iyo Sheekh Abuu-Zubeyr, inkastoo aanu weli ku guuleysan inuu taallaabo ka qaado.

Warbixinta ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay hoggaamiyaha guud ee Ururka Al-Qaacida Dr. Ayman Al-Zawaahiri, hoggaamiyaha daalibaan Mullah Cumar iyo hoggaamiyeyaal kale oo ay ku jiraan madaxda kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta Nigeria iyo hoggaamiyaha Al-qaacidada Waqooyiga Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya